Boosaaso[RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa kulan kula qaatay maanta Guriga Madaxtooyada ee Boosaaso Ganacsatada Puntland.
Kulanka oo qaatay Sacado badan ayaa looga hadlay kor u qaadida Ganacsiga Puntland,Adkeynta Amaanka iyo sida wanaagsan ee looga qeybqaadan karo Arrimaha Dimuqraadiyada ee Puntland higsaneyso,
Xubnaha Dawladda sida Madaxweyne Kuxigeenka Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Wasiirka Maaliyada Faarac Cali ayaa Ganacsatada uga Jawaabayey Su’aalo dhowr ah oo ay Ganacsatdu weydiiyeen,waxayna noqotay in Gabagabadii la isla garto in laga wada shaqeeyo Jiritaanka iyo Horumarka Puntland.
Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire oo Kulanka ka dib Saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa ayaa faah-faahin ka bixiyey Kulanka ay la Yeesheen Ganacsatada Puntland ee xiligaan Ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wuxuu sheegay Madaxweyne Kuxigeenku in Ganacsatada si weyn ugala hadleen arrimaha Ganacsiga,Amaanka iyo Dimuqraadiyada gaar ahaan in ay Taageerada Hannaanka Xisbiyada Puntland.
..”"”Maanta,waxaa nasiib wanaag ahayd inaanu shir la yeelanay Ganacsatada magaalada Boosaaso ku sugan iyadoo ay Joogeen Rugta Ganacsiga,runtiina waxyaalaha aan kawada hadalnay,waxaa kamid ahaa sidey gacan u qaadan lahaayeen Xaalada amniga ee guud ahaan dalkeena,Xaalada Siyaasada,Xaalada dhaqaalaha,…”"ayuu yiri.
Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa xusay in Ganacsatada arrimaha dawladda ka tabanayaan sida ugu dhakhsaha badan wax uga qaban doonaan iyaguna ay ballanqaadeen in horumarka dawladu wado gacan ka geysan doonaan.
..”"”Ganacsatada qodobadii aan isla soo qaadnay inaanu si Xilkasnimo ah oo Waayeelnimo ah oo Wadanimo aad u fog ay ku dheehantahay inaanu wax isaga niri,ballana ka dhiganay,Insha ALLAAH waxaan rajeynaynaa hawshu waa isla qabahso,wixii dawladda ay ka tabanayeena inaan wax ka qabano waa naga go’antahay,danaha Ummadana meel looga soo wada-jeesto,,,,”"”ayuu Gen Cabdisamad.
Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Xubnaha Gollaha Wasiirada ee la socda mudada ay Joogaan Boosaaso,waxay sheegeen sida Qorshuhu yahay iney kulamo kala duwan la qaataan Issimada,Cuqaasha iyo Ururada dhalinyada gobolka Bari.
_______________________
Cismaan Turaabi