Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Raysalwasaarihii hore ee DKMG Proff Cabdiweli Gaas Oo Ugu Baaqay in Axmed Madoobe uu Mideeyo Shacabka Jubaland

$
0
0

 

Raysalwasaarihii hore ee DKMG Proff Cabdiweli Gaas

Boosaaso[RBC Radio] Raysalwasaarihii Hore ee Soomaaliya Proff Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo iyo bogaadin u diraya Madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Madoobe iyo Shacabka doortay ee Jubaland.

..”"Bismilaahi raxmaani raxiim,waxaan rabaa inaan hambalyo iyo bogaadin uga diro Shacabka reer Jubaland oo doortay Madaxweyne una doortay Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe)…”"ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Guusha Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ka sakow,wuxuu ku amaanay Shacabka Jubaland Dimuqraadiyada iyo horumarka ay ku talaabsadeen,taasina wuxuu ku sifeeyey in ay tahay talaabo loo qaaday dhanka Dawladnimo wanaaga..

Wuxuu intaas ku daray…”"”Sida aan lawada socono Soomaaliya waxay ku heshiisay hab federaal ah iyo xukunka oo la baahiyo oo Shacabka la gaarsiiyo fursadna loo siiyo iney soo doortaan Madaxdooda,…”"ayuu yiri

Shacabka Jubaland Midee!!!

Madaxaweynaha cusub ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ayuu ugu baaqay in uu mideeyo Shacabka reer Jubaland isla markaana uu kala shaqeeyo sidey u gaari lahaayeen horumar dhan kastaba ah.

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa Shacaka reer Jubaland u rajeeyey iney ka nastaan Xasaradihii iyo Colaadihii ay soo maraya kuna noolaadaan Nabad iyo Barwaaqo.

Dawladda federaalka

Dawladda federaalka ee Soomaaliya ayuu sheegay inuu ka rajeynaayo iney soo dhaweyso talaabada ay qaadeen Shacabka iyo dawladda cusub ee Jubaland lana taakuleeyo si ay u dhameystiranto Hannaanka Federaalisimka iyo dawladnimo wanaagii Soomaali ku heshiisay ee ahaa in Soomaali federaal ah,Dastuur leh in la helo.

Dhanka kale Madaxda Puntland sida Madaxweyne Faroole iyo Gen Cabdisamad Cali Shire iyo Shacabka Puntland guud ahaan ayaa si weyn usoo dhaweeyey Madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Madoobe.

___________________________

Cismaan Turaabi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles