Image may be NSFW.
Clik here to view.
Garoowe (RBC RADIO) Haweenka Reer Puntland oo dhawaanahan Shirka u lahaa Magaalada Garoowe isagana kala yimi Gobolada Puntland uuna Maanta usoo gabagaboobay Aqoon is weydaarsi ku saabsanaa Arimaha Doorashooyinka Golaha deegaanka iyo Hogaaminta Saxda ah ayaa isla Kulankaasi uga Faa’iideystay taageerida Maamulka Cusub ee Jubbaland ee Shalayto looga dhawaaqay magaalada Kismaayo kaasi oo ay ku tilmaameen mid karti leh wax weynah ka badali kara Arimaha Jubbooyinka iyo Gedo.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Haweenki Halkaasi ka hadlay waxay Taageeradooda kusoo Bandhigeen tixo Buraan Bur ah iyadoo muujinayay qiiro ku aadan sida ay u taageerayaan Go’aankii ay Gaareen Ergadii in dhawaaleba ku sugnaa Magaalada Kismaayo kaasi oo ugu dambeyn shalay ay ku soo doorteen in uu Madaxweyne ka noqdo Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo Mudane Axmed Maxamed Islaan Madoobe iyagoo sheegay in Hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Dumarka Qaar ayaa soo hadal qaaday sheegashada Barre Hiraale ee ah in uu yahay Madaxweynaha Dhabta ah ee Jubbaland taasi oo ay ku tilmaameen mid aan ku habaoonayn marka la eego marxalada ay iminka ku sugantahay Jubbooyinka iyagoo Barre ugu baaqay in Goboladaasi uusan ka hurin Colaad iyo Dagaal sokeeye balse taa bedelkeed uu la shaqeeyo Maamulka hada la doortay ayna soo dhaweynayaan hadii uu hab wanaagsan oo wada tashi ah uu u maro sida ay hadalka u dhigeen.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wasiirka haweenka iyo Hormarinta Arimaha Qoyska Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan oo kulanka soo xirtay ayaa fariin u dirtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyadoo ka codsatay in uu si xaq ah oo aan eexasho qabiil ahayn uu ku maamulo Goboladaasi cadaaladna uu wax u qeybiyo, Wasiiradu waxay kaloo fariin u dirtay Shacabka Reer Jubbaland siiba Qurba Joogta iyadoo u sheegtay in ay Taageero Lacageed iyo Hiiloba la garab istaagaan Maamulka Cusub deegaanadaasna laga kaabo wax yaabaha aasaasiga ah sida Waxbarashada Caafimaadka iyo Ganacsigaba iyadoo Doorasho Xalaal ah ku tilmaantay Shirkii lagu soo Magacaabay Axmed Madoobe.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Wasiirada ayaa sidoo kale ka hadashay qorshaha Wasaarada ee ku aadan Gobolada Puntland iyo sidii wasaaradu ay kaalin uga cayaari lahayd wax tarka haweenka Goobahaasi ku Nool iyadoo ay jiraan Agabyo hormarineed oo Wasaaradu la Damacsan tahay in ay Haween weynaha Reer Puntland la gaarto.
“ Waxaan idin leeyahay horta Shirkan 2da maalin idiin socday ee aad dhameesateen ha noqdo mid wax weyn idinka badala oo aad ku ogaataan arimaha doorashooyinka iyo xaqa aad leedihiin waana waajib in aad is doorataan isna taageertaan, waxaan kaloo idiin sheegayaa in aan qalabeyn doonno 10 degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland waqtiyada soo socdana 10kale ayaan u qalabeyn-doonnaa Xafiiskooda Dumarka Degmooyinka Puntland ku dhaqan, waxaan kaloo idin sheegayaa Iida soo socota waxaan doonaynaa in aan Iidsiinno dhamaan Caruurta Agoomaha ah ee Gobolada ku nool, waxaan kaloo dooneynaa in aan wax ka bedelno magaca Wasaarada xiliyada soo socda sidaana waxaa tiri wasiirka haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xaaji Xasan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Tan iyo Intii la unkay Xumuumada Puntland waxaa jira Gobolo aysan socdaal ku tagin Wasaarada haweenka hase ahaatee Madaxda Cusub ee Wasaarada haweenka ee Iminka talada haya ayaa maray inta badan Gobolada Puntland socdaalkoodana gaaray Degmooyin fog fog baladqaadna usoo sameeyey dhamaan Haweenkii ay lasoo kulmeen taasoo rajo wanaag galisay Dumar badan oo horay u saluugsanaa waxqabadka Wasaarada haweenka hadase arintaasi si weyn looga qanciyay sida ay xuseen Masuuliyiinta Wasaarada.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.Image may be NSFW.
Clik here to view.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.