Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Col. Barre Hiiraale oo sheegtay In uu Yahay Madaxweynaha Jubbaland

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Kismaayo (RBC) Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo galabta shir saxaafadeed ku qabtay hoygiisa magaalada Kismaayo ayaa ku sheegtay madaxweynanimada maamul goboleedka Jubbaland.

Dhawaaqa Col. Barre Hiiraale ayaa soo baxay wax yar kadib markii ergadii ku shirsaneyd hoolka Jaamacada Kismaayo ay doorteen gudoomiyihii maamulka Kismaayo, horeyna u ahaa guddoomiyihii Kooxda Raskambooni Sheekh Axmed Madoobe.

Col. Barre Hiiraale ayaa wariyaasha u sheegay in isaga loo doortay muddo afar sano ah inuu hogaamiyo maamulka Jubbaland oo saldhigiisu yahay magaalada Kismaayo.

“Waxaa i doortay oo kalsoonidooda i siiyey dadweynaha dega Jubbooyinka oo dhan, hadey tahay oday dhaqameed, haween, shalinyaro iyo waxgarad.” ayuu ku jawaabay mar la weydiiyey cida dooratay Col. Barre Hiiraale.

Barre Hiiraale wuxuu ku baaqay in dhammaan beelaha ku nool deegaanada Jubbooyinka ay isugu yimaadaan wadahadal iyo dib u heshiisiin isagoo sheegay in laga fogaado colaad.

Mar la weydiiyey Barre Hiiraale in doorashada madaxtinimada ee uu sheegtay ay ku soo beegantay doorashada Axmed Madoobe wuxuu sheegay inuusan jirin cid uu ku xumeynayo ama uu ka soo horjeedo. Wuxuuse sheegay inuu ogaa shir u socday dhinacyo taageersan Axmed Madoobe, halka uu sheegay in isagana dad taageersan ay shir ku lahaayeen Kismaayo.

Barre Hiiraale wuxuu sheegay inuu dhiowr jeer wadahadal ugu baaqay Axmed Madoobe welina uu diyaar u yahay inuu la kulmo. Balse wuxuu diiday inuu Axmed Madoobe yahay madaxweynaha maamulka cusub ee Jubbooyinka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Sheekh Axmed Madoobe iyo shir guddoonka shirkii ka socday magaalada Kismaayo ee maanta lagu doortay Axmed Madoobe inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale isgaarsiinta magaalada Kismaayo oo illaa shalay go’neyd taasoo ciriiri gelisay in wax xog ah laga helo maamulka Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo iyaguna maanta gaaray wafdi saaka ka duulay magaalada Muqdisho oo ka kooban ergo ay dirtay dawlada federaalka Soomaaliya iyo wafdi odayaal iyo siyaasiyiin ah oo shalay ka degay garoonka Kismaayo balse illaa xalay halkaasi ku xanibnaa kadib markii loo diiday inay magaalada galaan.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20163

Trending Articles