Muqdisho (RBC) Qarax miino oo lagu xiray baabuur ayaa maanta duhurkii ka dhacay xaafada KPP ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho halkaasoo uu ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Cartan Sheekhdoon Cismaan.
Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay baabuurka uu saarnaa marxuumka geeriyooday oo marayey wadada laamiga ah ee Wadnaha ee degmada Hodan halkaasoo qaraxu ka dhacay. Waxaa isla qaraxa ku dhaawacmay siyaasiga Cabdi Iimaan Sharma’arke oo la dhashay mulkiilihii idaacadda HornAfrik Cali Iimaan oo qarax miino lagu dilay sanadkii 2007.
Ciidamada dawlada ayaa soo gaaray goobta qaraxa kadib iyagoo bilaabay baaritaan, mana jirto cid la qabtay ama la sheegay in looga shakiyey qaraxan inay ku lug leedahay.
Marxuumka geeriyooday Cartan Sheekhdoon ayaa horey uga mid ahaa saraakiishii ciidamada Xooga Dalka, waxaana waayadan dambe uu ahaa nabadoon ka dhex shaqeynayey beelo ku diriray gobollada dhexe, wuxuuna hadda Muqdisho u yimid tacsida qof ka mid ah ehelkiisa oo dhowaan geeriyooday.
Dhinaca kale dhaawaca Cabdi Iimaan Sharma’arke ayaa lagu daweynayaa mid ka mid isbitaalada Muqdisho, mana jirto wax xog ah oo ay dhakhaatiirtu ka sheegeen dhaawaciisa iyo xaalada uu ku sugan yahay.
Qaraxyada miinooyinka iyo ismiidaaminta ayaa bilihii u dambeeyay ka noqday kuwo soo noqnoqda magaalada Muqdisho, wuxuuna qaraxan dhacayaa xilli ay waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood xiran yihiin oo ay ku sugan yihiin ciidamada dawlada.
Hay’adaha amaanka ee dawlada illaa hadda kama hadlin qaraxan ka dhacay Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho