Boosaaso[RBC Radio] Urur Siyaasadeedka Horseed Puntland ayaa maanta ka bilaabay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Olole ballaaran oo ay kusoo Xulayaan Xubnaha u matalaya Doorashada Gollayaasha deegaanka ee la filayo in ay dhacaan 30-Juun.
Kulan ballaaran oo ay Isugu Yimaadeen Xubnaha Gollaha sare iyo Xubnaha gollaha fulinta heer degmo ilaa heer gobol ayaa maanta lagu qabtay Hotel Panarama ee magaalada Boosaaso,waxaana la isku Weydaarsaday talooyin iyo Su’aalo.
Guddoomiyaha Ururka Horseed gobolka Bari Yuusuf Cismaan Ismaaciil oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa kusoo dhaweeyey Xarunta gobolka Bari ee Boosaaso Xubnaha sarsare ee Ururka,kuwaas oo kasoo kicitimay magaalada Garoowe.
Guddoomiyaha Soo Xulitaanka Gollayaasha Deegaanka gobolka Bari ee Ururka Horseed Faarax Cali Jaamac ayaa sheegay in Ujeedada ay u Yimaadeen Boosaaso ay ahayd soo Xulista Xubnaha Gollayaasha deegaanka ee gobolka Bari kuwaas oo Ururka uga qeybgeli-doona Doorashooyinka.
…”"” Waxaa naloo soo diray Xulidii Gollayaasha deegaanka ee gobolka Bari 9-ka degmo ee u ka koobanyahay anaga oo la kaashaneyna degmo walba Gollayaasha ka dhisan….”"ayuu yiri Wasiirku.
Sidee Cod Ku Heleynaa!!!
Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Faarax Cali Shire ayaa sheegay in Ururka Horseed uu codka shacabka ku heli karo oo kaliya Xubnaha laga soo Xulayo gobolada ay yihiin kuwa Aqoontoodu fiicantahay isla markaana bulshada ka gadamaya.
Halkan ka Dhageyso Codka Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire Guji Halkan
…”" Danta bulshadu ku qanacsantahay beynu Cod ku heleynaa laakiin qof meel laga soo saaray iyo qof aan waxaanba fahmeyn kuma helayno Cod,tartankana kaga guuleysanmayno marka deegaanka aynu Xuleyno waa in ay leeyihiin Saddex tayo waa iney aqoon leeyihiin waa iney bulshada ka gadmayaan,..”"”ayuu yiri Wasiirku.
Guddoomiye Kuxigeenka Ururka Horseed Puntland ahna Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa ka dhawaajiyey in Xukuumadoodu ballanqaaday in Puntland iyo Shacabkeedaba gaarsiinayaan Hannaan Dimuqraadi ah.
…”"”" Waxaad Ogsoontihiin daahna uusan ku daahsooneyn aniga iyo Madaxweyne Cabdirixmaan markii naloo doortay Hoggaaminta dalakan afar sano iyo barka ka hor,waxaanu ballanqaadnay Ummadana u sheegnay inaanu dalka u hayaamin doono hab Dimuqraadi ah…..”"”"ayuu yiri.
Wuxuu kaloo yiri Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Cabdisamad Cali Shire ..”"” Anagoo ballankaas fulinayna ayaan ku talaabsanay inaan arintaas bulshada reer Puntland usoo bandhigno,waxaanuna Jecelnahay inaan ka mira-dhalino sidii aan loo oran Xukun ayey isku dhejinayaan,angu waan Tartameynaa,cid kasta oo nala tartameysana waanu soo dhaweyneynaa….”"”"ayuu yiri.
Halkan Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire Guji Halkan
Xubnaha sarsare ee Ururka Horseed Puntland ayaa qorshuhu yahay in maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan magaalada Boosaaso,waxayna sheegeen Madaxda Ururku in ay soo Xulayaan Xubnaha uga qeybgalaya Doorashooyinka Gollaha deegaanka.
______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso