Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Feysal Cali Waraabe oo Lagu Eedeeyay Inuu Si Qarsoodi ah Ula Kulmay Madaxda Dawlada Soomaaliya Iyo Jawaab Kulul oo uu Ka Bixiyey Arrintaasi (SAWIRRO)

$
0
0

Feysal Cali Waraabe (bidix) oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Fawsiya Yuusuf, magaalada Birmingham ee UK.

Hargeysa (RBC) Waxaa maanta shir jaraa’id magaalada Hargeysa ku qabtay wasiirka warfaafinta maamulka Somaliland Abiib Jaamac oo sheegay in warbaahinta uu ku arkay kulan magaalada Birmingham ku dhexmaray madax ka tirsan dawlada federaalka Soomnaaliya oo ku sugnaa dalka Ingiriiska iyo hogaamiyaha ururka mucaaridka ee UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Wasiirka warfaafinta Somaliland wuxuu sheegay inay nasiib darro ay tahay in Feysal Cali Waraabe uu si dhuumasho ah kula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

“Feysal ima uusan heysan wax waajibaad ah [mandate] uu kula kulmo madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna u gefay madax bannaanida Somaliland.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka wuxuu caddeeyay in kulanka dalka UK ku dhexmaray Feysal Cali Waraabe iyo madaxda dawlada federaalka Soomaaliya uu ahaa mid shaki badan abuuray, isla markaana aan la garaneyn sababta ku kalliftay Feysal inuu la kulmo masuuliyiinta dawlada federaalka Soomaaliya.

“Feysal sidaad og tihiin wuxuu ka mid ahaa guddiga qaran ee loo xilsaaray wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland, haddana ma aaney jirin wax ka warheyn ah oo uu la soo sameeyay, keligiis baa la kulmay madaxweynaha Soomaaliya.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku wuxuu sheegay inuu Feysal ku dhaqaaqay tallaabo ka horjeeda xukuumadda Somaliland isla markaana aaney raali ka ahayn dawlada.

Feysal Cali Waraabe (midig) oo salaamaya wasiirka difaaca dawlada federaalka Soomaaliya. Magaalada Birmingham, UK.

Feysal oo jawaabay

Waxaa maanta warbaahinta isaguna la hadlay Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga UCID oo weli ku sugan dalka Ingiriiska.

Feysal wuxuu wax laga yaxyayaxo iyo “shaqo la’aan” ku tilmaamay wasiirada Somaliland ee idaacadaha isaga ka cambaareynaya, sida uu yiri.

“Waxa uu ahaa kulan salaan ah, anagana meesha huteelka ayaanu xaflad ku lahayn iyaguna halkaa bay ku lahaayeen xaflad, marka qoladii qabanqaabineysay xaflada ayunbaa tiri dee aganuna madaxdeenaa joogta ee ja isa salaameen.” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo ka jawaabay eedeynta loo soo jeediyey.

Wuxuu sheegay inuusan dagaal ka dhexeeya labada dhinac, dadkuna ay wada Soomaali yihiin, isla markaana aanu garaneyn sababta loogu diiday la kulanka Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dano badan baa naga dhexeeya, wax badan way isaga kaaya xiran yihiin” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Feysal Cali Waraabe.

Mar uu Feysal Cali Waraabe si toos ah ugu jawaabay wasiirka Somaliland ee eedeeyay ayuu sheegay in wasiirka looga fadhiyo inuu wax ka qabto mudaaharaadka ka dhacaya magaalada Burco halkaasoo uu ku eedeeyay maamulka madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu ku fashilmay inuu wax ka qabto dhibaatada dadweynaha loo geysanayo.

“Wasiirka waxaan leeyahay adeer gudihii baa hawl kaaga baahane waxba ha igu mashquulin, gudaha u soo jeedso oo taa hoostaada ah bal xalli.” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Toddobaadkan oo shirkii London ee arrimaha Soomaaliya uu ka dhacay magaalada London kaasoo maamulka Somaliland uu diiday inuu ka qeybgalo ayaa dhanka kale waxay warbaahintu soo bandhigtay muuqaalo muujinaya Feysal Cali Waraabe oo kulamo la leh masuuliyiinta dawlada federaalka Soomaaliya arrintaasoo maamulka Somaliland si weyn uga careysiisay.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles