Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Hargeysa (RBC)- Xildhibaan Aareeye oo ka mida xildhinaanada golaha wakiilada Somaliland ugu jira deegaanka Saylac ayaa maanta si adag uga hadlay xalinta khilaafkii ay doorashadu ka tagtay ee ka taagnaa deegaanka galbeedka dalka.
Xildhibaan Aareeye ayaa si ba’an u weeraray wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, kuna tilmaamay mid aan qaan gaadh ku ahayn arrimaha siyaadda ee dalka.
Xildhibaanka ayaa geesta kale talooyin u soo jeediyey madaxweynaha, isaga oo sheegay in looga baahany yahay inuu doorto dad aan caruur ahayn, isaga oo hadalkaas ula jeeday wasiirka arrimaha guddaha.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray in wasiirka arrimaha guduhu khatka Telephone-ka ugu hanjbay xildhibaanka, sheegayna inuu waayi doono xasanada xildhibaanimo, isaga oo taas ku tilmaamay mid aan ahayn shaqada wasiir duur.
Ugu horayn Aareeye oo ka hadlaayey arrinta ka dhacday saylac ee salka ku haystay doorashooyinkii waxa uu yidhi “anaga oo mudo fara badan arrinta ka dhacday doorashadii saylac iyo lughaya si nacasnimo ah loo boobay wixii aanu xaqa u lahayn, dabeeto aanu nidhi maxaan yeelna mudo markii aanu sanaaduuqdii hayn. Waxaanu nidhiSomaliland lexo jeclo ayaanu ka qabnaaye, dad dagaalama kari waan nahaye aan tagno Hargeysa ee caqligu joogay ee dadkii saaxibul karaamaha ahaa aan tagno, waanan nimo oo laba iyo laabtan cisho ayaanu dadkii salaadiinta iyo wax garanaayey aan la joognay”
Aareeye oo ka hadlaayey in aan dhulka lagu kala qaadin xaashiyo iyo codad laga dhiibto deegaanada ayaa yidhi:- “dhulkana warqaddo laguma kala qaado oo xaashiyo yar yar oo la yidhi sanduuq ku rida dhulka laguma qaado. Dhulka dhiigbaa u dhacay, ragbaa loo dilay, aboo ayaanu ka kicinay, gaalo ayaanu ka kicinay, wiilal curad ayaa lagu gawracay dhulkan. Dabeeto wuxuu nagu yidhi (Wasiir Duur) maayar ku xigeenka qaata, waxaanu ku nidhi qaadan mayno. Dabeeto aniga ayaa ka jawaabay oo wuxuu igu yidhi Ciise halka aad gayso armaad ka soo celin weydaa”
Waxa weeye anaga aad iyo aad ayaanu uga xunahay wasiirka cajiibka ah ee ruwaayada dhanka khariban u jilay. Wasiirku uu i soo garaacay dabeeto wuxuu igu yidhi halkii Ciise aad u waday waad gaadhsiiyey, adaa halkaas ciidamada galiyey. Waar waxaa warba uma hayo oo dhulka ayaan isku dhigay, waxaas iska daayo xasanada golaha ayaan kaa qaadayaa. Waar faan weynaa, ma caaqil-buu i mooday uu mushaharka siiyo, inuu dad i soo doortay miyaanu u haysan, waanan la yaabay. Hanjaabadi wax ma qaado wasiiro, rag wax uu ku dhaamo walaalo ma jirto, ragna garabkaaga laga dayaa. Anagu waxaanu kuu haysanaa wasiir calooshisa la ciyaara, Ciise-na dalka kaaga tagi maayo”.
Xildhibaan Aareeye oo talo u soo jeediyiey madaxweynaha ayaa ugu hoga tusaaleeyey in aanay dawladiisu u badan ciyaal, ee ay u badato dad astura madaxweynaha, waxaanu yidhi “Madaxweyne dawladaada kuwo ku astura oo ku ilaaliya oo sharaf leh dooro, hadii ay dawladaadu ciyaal u badato way ku ceebaynayaan madaxweyne, nin sharaf leh oo mujaahidana waad ahayd.
Raxanreeb-Hargeysa