Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiyaha Cayaaraha Gobolka Nugaal C/Risaaq Nuur Axmed (halac) oo Raxan-Reeb ku qaabilay Xafiiskiisa ayaa beeniyay in Xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Cayaaraha Gobolka Nugaal isagoo shaaciyay in taasi ay tahay Been abuur iyo gaf loo geysanayo hor marka iyo Dadaalka uu ka sameeyey Gobolka Marka loo eego dhanka Cayaaraha, Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in wax qabadkii ugu wacnaa ee gobolku uu helo la hirgeshay intii uu xilka hayay oo dhan 2 sano iyo in ka badan.
“ Waxaan aad uga xumahay dadka carqaladeynaya Hormarka aan ka gaarnay Gobolka dhanka Cayaaraha, Ciyaartoyda Xafiis malahayn , hada wey leeyihiin, lama Liis gareyn jirin hada waa la liisgareeyaa, Tartamo cidina uma Qaban jirin hadii la qabtana buuq baa ka dhici jiray hadana Tartamo tira badan ayaa la qabtaa, gobolka Nugaal waligiis kuma guuleysan koobka gobolada Puntland ee la qabto, Sanadkii ugu dambeeyey iyagaa ku guuleystay, naadiyada waxaan ka dhignay 12 oo heerka Sare ah, waxaa jira Naadiyo Heerka dhexe ah iyo naadiyada Xaafadaha oo aan sameenay sanadkii in ku dhaw 4 tartan ayaanu qabanaa hadana waxaa socda tartankii Xaafadaha Magaalada Garoowe Taasi miyeysan Hormar ahayn?, Sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Sportska Gobolka Nugaal.
Gudoomiye halac wuxuu ugu baaqay Dadka qalalaasaha wada sida uu hadalka u dhigay in ay miiska wadahadalka yimaadaan fikir waano iyo talona ay la wadaagi doonaan tixgelinna doonaan Codsiga dhalinyarada intii meel cidlo ah been iyo borbogaando laga sheegi lahaa ayuu yiri Gudoomiyuhu, wuxuu sheegay in Cayaaraha Gobolka Nugaal ka socda ay yihiin kuwa ugu fiican gobolada Puntland si nidaam ahna ay wax walba ku socdaan hada.
Mr C/Risaaq wuxuu ugu baaqay Dhanka kale Qurba Joogta Reer Puntland siiba kuwa u dhashay Gobolka Nugaal in ay ka qayb qaataan Hormarka cayaaraha Nugaal ayna taageero u muujiyaan dhalinyarada yar yar ee jecel Sportska, gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in dhalinyarada inta lagu guda jiro Cayaaraha ay uga faa’iideystaan ka wacyi gelinta in ay ka mid noqdaan,Burcad-badeednimada, tahriibta ,Argagixisada, Fowdo xaafadeedka oo ay ka mid tahay dadkoo Boobilada laga furto taana waan ku guuleysanay ayuu yiri Mudane (Halac).
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo Faa’faahin ka bixiyay Tartan Garoonka Mirre Awaare ee Magaalada garoowe uga furmay Cayaartoyda Xaafadaha oo uu Gobolku soo qaban qaabiyay kaasi oo loogu talagalay isdhexgalka Dhalinyarada iyo Sugida Amniga si habsami ahna uu uga socdo Magaalada Garoowe ayna ka qayb galayaan 7da Xaafadood iyo Dadka barakacayaasha oo iyana Xaafad loo aqoonsaday taaoo ka dhigeysa 8 Xaafad.
Jawaabta Gudoomiyaha ayaa ka dambeesay kadib markii qaar ka mid ah dhalinyarada Sportska ay cabasho ka muujiyeen hab maamulka Gobolka ee dhanka cayaaraha oo ay ku tilmaameen mid aan talo wadaag ahayn iyo amaro joogto ah oo aan sharci ku saleysneyn, inkastoo Gudoomiyuhu taasi ku tilmaamay Hadal meel loo waayay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.