Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maantey sidiiran logu soo dhaweyey wafti uu hor kacayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi iyadoona garoonka diyaaradaha C.laahi Yuusuf ee magaaladda Gaalkacyo ay uga hortageen maamulka gobolka Mudug iyo boqoolal dadweyne ah ku waaso ka qeyb qadanayey soo dhaweynta guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi iyo waftigisa ayaa ka soo anbabaxay magaaladda Kambala ee xarunta dalka Uganda halkaaso oo ay kaga soo qey galeen aqoon iswedarsi barlamaanadu ay la hayen halka dhinaca kanala kulamo ay kula soo qaten xubno masuuliyin ah oo dalkasi ah.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”oo qeyb ka ahaa xubnihi soo dhaweyey waftiga ayaa sheegey in uu guddoomiyaha iyo waftigisaan ay kusoo dhawenayaan Gaalkacyo kadib socdaalki muddada qatey ee Kambala ay ku joogen.
Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa isna dhinacisa hadal uu siyey saxaafada waxaa uu ka warbixiyey socdalkisi ay ku tageen Ugandha isagna sheegey in dhamanba kulamadi ay soo qaten ay ugu soo dhamaaden guul.
Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegey inuu ka mahadcalinayo soo dhawanta ay u sameeyen shacabka iyo maamulka Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa muddadanba socdaal shaqo ku joogey magaaladda Kambalaa iyadona ay maantey dib ugu soo labten Puntland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio