Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Diyaarad Wefdi Siday oo Muqdisho Ka Duushay Kuna Jeeday Kismaayo oo Dib Hawada Looga Soo Celiyey

$
0
0

KISMAAYO (RBC) Diyaarad siday wefdi ka kooban 40 xubnood oo maanta duhurkii ka duushay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Kismaayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib markii hawada laga soo celiyey ka hor intii aysan ku degin garoonka Kismaayo.

Diyaaradan oo ahayd nooca rakaabka ee yar yar ayaa waxaa saarnaa xubno isugu jira siyaasiyiin, xildhibaano hore iyo odayaal ka soo jeeda deegaanada Jubbada Hoose, waxayna sida ay sheegeen ku sii jeedeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maxamed Aamiin Cabdullaahi oo ka tirsanaan jiray xildhibaanadii baarlamaankii ku-meelgaarka ee Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnaha wefdiga ee diyaaradda saarnaa ayaa markii uu soo laabtay magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay.

“Diyaarada waxaa saarnaa 40 qof oo aanu ku jirin duuliyaha oo aha nin ajnabi ah, markii aan galnay hawada Kismaayo ayaa duuliyaha wuxuu noo sheegay in amar lagu siiyey inuusan soo degin, oo garoonka inuu cagaha soo dhigo aan loo ogoleyn, marka wefdiga anigaa hogaaminayey waxaanu u sheegay inuusan dadka naftooda khatargelin oo nagu soo celiyo garoonka Muqdisho.” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Wuxuu sheegay in maanta markii ay diyaaradooda ka duushay magaalada Muqdisho ay la xiriireen taliska AMISOM iyo laanta duulista hawada ee gegida Muqdisho ayna u xaqiijiyeen inay u duuli karaan Kismaayo.

Maxamed Amiin ayaa ku eedeeyey ciidamada Kenya inay ahaayeen cida bixisay amarka looga horjoogsaday inay diyaaradooda ku degto garoonka magaalada Kismaayo, isagoo sheegay inuusan aqoonsaneyn maamul ka jira Jubbada Hoose iyo Kismaayo.

Ciidamada Kenya oo qeybta ka ah AMISOM iyo taliska AMISOM ee Muqdisho midna kama hadlin diyaaradan laga soo celiyey garoonka magaalada Kismaayo.

Dhanka kale warbaahinta gudaha ayaa sheegeysa in maamulka ku-meelgaarka Kismaayo ay beeniyeen inay diyaaradda maanta ka horjoogsadeen inay ku soo degto garoonka magaalada Kismaayo.

Wariye madax bannaan oo jooga Kismaayo wuxuu Raxanreeb u sheegay in maanta ay jirtay diyaarad Muqdisho ka timid oo dib loo celiyey balse ay jirto warar kala duwan oo qaarkood sheegayaan in la horjoogsaday inay soo cagadhigato halka warar kale ay sheegayaan in diyaaradda si iskeed ah isaga laabatayay.

Muddo saddex toddobaad ah waxaa hakad ku jiray duulimaadyada diyaaradaha u kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo iyadoo aan la garaneyn sababta arrintaasi kalliftay. Waxayna arrintaasi saameyn ku yeelatay dadweynaha u kala safri jiray Muqdisho iyo Kismaayo oo toddobaad kasta heli jiray labo jeer duulimaadyo gudaha ah.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles