Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kadib safaro maalmo qaatay oo uu ku marayey gobolada dalka Soomaaliya R/wasaaraha ayaa markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayuu warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isagoona ka warbixiyey waxyaabihii uu kala soo kulmay safarkii uu ku gaaray gobolada dalka.
R/wasaaraha ayaa sheegay in ujeedka safarkiisu uu salka ku hayey iney u kuur galaan arimaha amniga iyo arimaha gudaha kuwaas oo uu sheegay iney yihiin ahmiyadaha ugu waaweyn ee horyaala xukuumada cusub ee Soomaaliya,wuxuuna sheegay iney dadka ay la kulmeen ay u sharaxeen ujeedka iyo habka ay dowlada Soomaaliya u dooneyso iney u maamusho guud ahaan dalka.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa sheegay in shacabka iyo masuuliyiinta ay la kulmeen ay u muujiyeen niyad wanaagga ay u hayaan madaxda iyo dowlada cudub ee Soomaaliya wuxuuna sheegay iney si weyn u farxad galisay waftigiisa waxyaabihii ay kusoo arkeen gobolada ay socdaalka ku gaareen.
Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya oo maalmihii ina dhaafay safaro ku kala bixiyey deegaanada ay ka arimiyaan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa heshiisyo la soo saxiixday masuuliyiinta maamulada deegaanada uu socdaalka ku tagay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho