Hargeysa(RBC):- Ciidammada ammaanka Somaliland, ayaa caawa hawlgal ay fuliyeen oo amniga lagu sugayey la sheegay inay ku soo qabqabteen Aqal ku yaalla Xaafadda Jig-jiga-yar ee Galbeedka magaalada Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Huteelka Maansoor Miinooyin kala duwan oo isugu jira kuwa yar-yar iyo nooca waawayn ee Miino-gaadiidka loo yaqaanno iyo sidoo kale waxyaabo ka mid ah walxaha qaraxyada loo adeegsado ee Baaruudda noocyadeeda kala duwan iyo waxyaabo dareere ah.
Boolisku guriga ay ka soo qabteen Miinooyinka iyo waxyaabaha qaraxyada loo adeegsado waxa la sheegay inay degganaayeen Koox u dhalatay dalka Shiinaha, isla markaana la sheegay inay Somaliland u joogeen hawlo dhinaca Macdanta ah, kaasoo ay Boolisku xoog ku galeen caawa cayskii, ka dibna baadhitaan ay sameeyeen ku soo qabtay Miinooyinka iyo walxaha kale ee loo adeegsado qaraxyada.
Hase-yeeshee, sida ay tibaaxayaan ila-wareedyo ka ag-dhaw Booliska Hargeysa, kooxda Shiinaha ahayd ee Aqalkaa degganaa Boolisku ugumay tagin guriga, balse waxa la sheegay inay soo xidheen nin Aqalkaa ilaaliye ka ahaa oo u dhashay waddanka Itoobiya.
Warku wuxu intaa ku daray in Boolisku dhawaanahanba ku-daba-jireen aaladaha ay gurigan caawa ku soo qabteen, hase-yeeshee aanay u suuragelin inay gacanta ku dhigaan kooxdii aqalkaas degganayd ee Shiinaha ahayd, balse waxa uu warku tibaaxay in kooxdaas Shiinaha ahna ay Ciidanka Ammaanku ku daba-jiraan oo ay doonayaan inay gacanta ku soo dhigaan.
Si kastaba ha ahaatee, Booliska magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee Somaliland, ayaa bilihii u dambeeyey si aada wax u baadha tan iyo markii ay soo baxeen Warbixinnadii ay soo saareen dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku bilawgii bishii hore oo ay sheegeen in ammaanka Somaliland aanu ahaynd mid sugan, sidaa daraaddeedna ay muwaaddiniintooda Somaliland joogta ugu baaqayaan inay si dhaqso ah uga baxaan, kuwa u safrayaana ay ka joogsadaan socdaallada ay Somaliland ku imanayaan.
Waxaanay hawlgallada ay Boolisku warbixinahaa ka dib fuliyeen ku qabqabteen dad tiro badan oo uu Wasiirka arrimaha guduhu sheegay inay ku jiraan dad ay ku caddahay inay kooxaha xag-jirka ah ka tirsan yihiin iyo kuwo la tuhunsan yahay oo baadhitaanno lagu samaynayo.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.