Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wargeyska The Sun oo Warbixin Ka Qoray Lacagta Tirada Badan Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wefdigiisa Ku Seexdeen Hotelka Dorchester Ee London (Warbixin)

$
0
0

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wefdigiisa waxay deganaayeen hotelka Dorchester. / Isha Sawirka; The Sun Newspaper.

LONDON (RBC) Wargeyska Afka dheer ee The Sun oo ka soo baxa magaalada London ayaa maanta qoray warbixin uu kaga hadlayo dhaqaalaha ku baxay wefdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud mudada afarta maalmood ah ee ay magaalada London u joogaanka qeybgalka shirka arrimaha Soomaaliya ee London kaasoo ay martigelisay dawlada Ingiriiska.

Wariye CRAIG WOODHOUSE oo ka faalooda arrimaha siyaasadda oo warbixintan qoray ayaa soo bandhigay xiisaabaad kala duwan oo uu sheegay inay ku kala baxday; hotelka uu deganaa madaxweynaha iyo 14 ruux oo wefdigioisa iyo shaqaalihiisa isugu jira, diyaaradii uu soo raacay iyo baabuurta gaarka ah ee lagu gelbinayey mudada uu ku sugnaa magaalada London.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka helay  duulimaadyo [gaarka ah] nooca business-ka ah, baabuur wade gaar ah leh, iyo hotelka qaaliga ah ee Dorchester Hotel iyadoo kharashkaasina lagu bixinayo dhaqaalaha UK, ayaa lagu bilaabay qormada Wargeyska The Sun.

Wargeyska ayaa sii hadlay ayaa yiri, shan ka mid ah wasiiradiisa [madaxweyne Xasan] iyo 14 ruux oo shaqaalihiisa ayaa loo soo duuliyey Britain si ay uga qeybgalaan shirweyne isu keenay malaayiin doolar oo gargaar ah oo loo yaboohay wadanka ay dagaaladu googooyeen.

Raysul wasaaraha UK (bidix) iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sii jeeda goobta shirka Talaadadii. / Isha Sawirka; The Sun Newspaper.

Raysul wasaare David Cameron ayaa ku biirey wadamada kale ee caalamka wuxuuna dherigii Soomaaliyawax loogu ururinayey ku taageeray lacag dhan £50million (konton milyan Ginniga Ingiriiska) kulankii ka dhacay aqalka Lancaster House toddobaadkii hore,.

Dawlada Britain waxay horeyba sanad kasta ku bixin jirtay gargaarka Soomaaliya  £80 million. Madaxweyne Maxamuud oo ah 57 jir, ayaa isaga iyo shaqaalihiisa waxay mudo afar habeen ah ay jiifeen hotelka caanka ah ee Dorchester Hotel kaasoo qolalkiisa ay ka kacaan lacag u dhexeysa £318 habeenkii (qolka caadiga ah) halka qolka qaaliga ahna uu £9,318 halkii habeen (waxay u dhigantaa $14,306.86 doolar).

QIIMEYNTA THE SUN

Wargeyska The Sun oo sharaxaadiisa sii wada ayaa sheegay, in haddii tusaale ahaan wefdiga madaxweyne Xasan Sheekh ay degaan qolalka ugu raqiisan hotelka in kharashka safarka uu gaari karo qiime dhan;

- Lacagta hotelka afarta habeen £25,440 (waa lacag u dhiganta $39, 060.58).

- Kharashka diyaaradaha £24,158 ($37,092.19)

- Kharashka baabuurta gaarka £400 ($614.16) halkii maalin oo qura.

Sida wargeysku ku qiimeeyay waxaa guud ahaan dhaqaalaha markaasi ku baxaya safarka madaxweynaha uu gaari kari lahaa £50,798 taasoo golaha canshuur bixiyaasha UK ay ku tilmaameen “mid waali ah”
, sida wargeysku qoray.

Shax wargeysku ku qiimeeyay kharashka safarka madaxweyne Xasan Sheekh oo loo qiimeeyay sida ugu raqiisan (ugu jaban). /Isha Sawirka; The Sun Newspaper.

Wargeysku wuxuu sheegay in mar ay wax ka weydoiiyeen wasaaradda arrimaha dibadda kharashaadka ku baxay safarka madaxweynaha Soomaaliya inay diideen, balse ay shirka Soomaaliya loo qabtay ku tilmaameen mid muhiim ah.

 

*Isha maqaalka; Wargeyska The Sun.

*Waxaa tarjumay bahda Raxanreeb.com

 

__________________________
RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles