Garoowe (RBC RADIO) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) oo Shir-Saxaafadeed ku qabtay Xarunta Wasaarada Maaliyada ay ku leedahay Garoowe Wuxuu sheegay in Puntland Waqti ka yar hal bil ay ku keensan doonto Lacag Sh,Soomaali ah si looga hortago isbedel dhanka Sicirka lacagta ah oo Puntland kusii balaarta iyadoo go’aankaas ay wada gaareen buu yiri Guud ahaan Masuuliyiinta Dowlada, wuxuu kaloo sheegay Qawdhan in Madaxweynaha Puntland uu 24ka saac ee soo socda uu Gudi qaran Soo magacaabi doono kaasi oo ka tashada una kuur gala arimaha gancsiga iyo is bedelka Sicirka Puntland iyo sidoo kale in uu ka hortago Lacago Shilin Soomaali ah oo u gudba Kuunfurta sida uu Wasiirku yiri.
Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Nus Bilyan lacagta Soomaaliga ah ay ku qabteen Koontaroolada Puntland tan iyo wixii ka dambeeyey Markii lagu dhawaaqay inaan lacag shilin soomaali ah laga saari Karin Puntland oo loo gudbin Karin Kuunfurta Soomaliya cidii arintaasi lagu helana Sharciga la soo hortaagi doono wuxuuna cadeeyey in lacagtaas ay ku socotay Koonfurta Soomaliya.
“ Lacag dhan Nus Bilyan Sh, Soomaali ah ayeey Ciidanka yagu qabteen Lacagtaas waxay u rarneed ganacsato Reer Puntland ah waxayna u wadeen Kuunfurta Soomaliya Lacagtii waan kala wareegnay Kadibna waxaan ugu Bedelnay Lacag Doolar ah si Sh,soomaaligu uga Bixin Puntland Digniin ayaana siinay, hada laga bilaabo cidii lagu qabto iyagoo lacag sii wada Dowlada ayaa lacagtooda la wareegi doonta iyagana Sharciga ayaa la horkeeni doonaa waa in laga hortagaa wax walba oo dalka iyo Dadka dhibaato iyo ganacsi xumo u keeni kara, sidaana waxaa yiri Wasiir kuxigeenka Maaliyada Puntland Mudane Cabdi Qawdhan.
Wasiir ku xigeenku wuxuu kaloo fariin u diray Dadka Soo dagsada Qaadka wuxuuna ku amray in Lacagta Soomaaliga ah ay ku badashaan Doolar oo Sh,Soomaaliga aysan kala bixin Puntland taasi oo uu ku tilmaamay mid kaalin ka qaadan karta isu dheeli tirka Lacagta Soomaliga iyo Tan Doolarka ah wuxuuna ciidanka Koontaroolada Jooga ugu baaqay in ay hawshooda laba jibaaraan aadna u koontaroolaan Gawaarida waa wayn kaasi oo laga yaabo buu yiri in ay sidaan lacago Sh, Soomaali ah.
Halka Doolar ayaa Maanta Puntland wuxuu ka joogay 19kun oo Sh, Soomaaliga ah halka awal uu ka ahaa 21 kun waxaana Dowladu ay ugu bishaareesay Bulshada iyo ganacsatadaba in is bedel deg deg ah uu iman doono xiliyada Soo socda, Dad badan ayaase is weydiinaya Lacagta ay masuuliyiiintu sheegeen in ay keenayaan ay tahay mid cusub ama Mida hada laga Isticmaalo dalka.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.