Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta xariga ka jaray dayactir lagu sameeyey xarumaha degmooyinka C/casiis iyo H/wadaag masuuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta k a qayb galay munaasabad xariga looga jarayey dib u dhis lagu sameeyey xarunta degmada C/casiis.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir iyo afhayeenka maamulka ayaa ka qayb galay munaasabadaas waxaana ugu horey ka warbixiyey gudoomiyaha degmada C/casiis C/laahi Xuseen marxaladihii uu soo maray dib u dhiska lagu sameeyey xarunta degmadaas oo ay gacan ka geysteen shacabka degmadaas iyo hay’ada maxaliga ah ee Saacid.
Gudoomiyaha degmada C/casiis ayaa shaaca ka qaaday in 5 qol oo ka mid ah xarunta degmadaas uu hore u dhisay maamulka gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in markii danbe ay bulshada degmada go’aansadeen iney dhistaan qaybaha kale ee xarunta degmada iyaga oo kaashanaya hay’ada Saacid, wuxuuna sheegay iney ku guuleysteen iney 5 qol oo kale ka dhisaaan gudaha xarunta degmada C/casiis.
Cali Axmed Guure oo ka mid ah gudoomiye ku xigeenada maamulka gobolka BAnaadir wuxuuna tilmaamay in maaamulka gobolka uu si aad ah ugu faraxsan yahay horu marka iyo isku tashiga ay sameeyeen shacabka iyo maamulka degmada C/casiis oo iskaashanaya wuxuuna ku amaanay tallaabada ay qaadeen.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sidoo kale socod ku maray qeybo kamid ah degmada H/wadaag halkaas oo ay ka socdaan hawlo lagu hormarinayo wadooyinka degmadaas iyo dhismaha xarunta degmadaas oo lasoo afmeeray waxayna sheegeen masuuliyiinta gobolka Banaadir in gudoomiyaha degmada H/wadaag uu hore mar la taaban karo ka sameeyey degmadaas waxayna ka xuseen sida uu u nidaamiyey wadooyinka mara gudaha suuqa Bakaaraha oo laga burburiyey dhamaan goobihii sida sharci darrada ah uga dhisnaa gudaha suuqa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho