Garoowe (RBC RADIO) Ururada Siyaasada Puntland oo ay kasoo xaadireen 4 urur Siyaasadeed oo kala ah Horseed,Hor-Cad,Wadajir,iyo Udad, ayaa ku kulmay Xarunta Cilmi Baarista ee (PDRC) Magaalada garoowe waxaana kulanka ku wehliyay masuuliyiinta Gudiga Doorashooyinka ee Puntland waxaana kulankaasi lagu saxiixay Xeerka Anshaxa Wadashaqeynta si looga qayb qaato Nidaamka Xisbiyada badan oo Puntland laga hirgalinayo sida kulankaasi laga sheegay.
Maxamed Xasan Barre Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland ee KMGKa ah ayaa kulanka ka sheegay in heshiiskan la wada xasiixay uu kaalin weyn ka qaadan doono hawlihi arimaha Dimuqraadiyada la xiriiray oo dhawaanahan laga waday Puntland, wuxuu Gudoomiyuhu sheegay in Heshiiskan uu dhabaha u xaari doono Doorashooyin xalaal ah oo ka dhaca Deegaanada Puntland wuxuuna Ururada ku booriyay in ay ilaaliyaan waxyaabihi ay saxiixeen raalina ka noqdeen.
Siciid Faarax oo ah Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Udad oo hadal kooban soo jeediyay wuxuu ku baaqay in Shacabka reer Puntland ay ka qayb qaataan doorashooyinka lana taageero intii lagu laaban lahaa doorashoyinkii qabiiliga ku saleysnaa, (Sanweyne) wuxuu xusay in markii hore ay dhaliilsanaayeen habka hawsha ay u wadaan gudiga laakiin ay rajo galisay markii ay maqleen in la sameynayo Maxkamad Dastuuri ah, wuxuuna ku qatimay hadalkiisa Isbedel ku yimaadaa Deegaanada Puntland waxaa hormuud ka noqon kara buu yiri Shacabka oo is kaashada dantana ka shaqeeya.
30ka June ayeey Gudigu horay ugu dhawaaqeen in ay dhici doonto doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Puntland waxaana Saxiixa Maanta xaadir ahaa 4 Urur iyadoo Kuraastooda ay faaruq ahaayeen Ururada Midnimo iyo PDP, Midnimo horay ayuu u sheegay in uusan ka qayb galeen Doorashooyinka Puntland waxaanse wali laga warqabin sababta uu kursigiisu Faaruqa u ahaa Ururka PDP oo aan kal hore shaacin in uu wax dhaliilsan yahay mana jirto cid ka hadashay maqnaanshaha Ururkaas.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.