Qardho[RBC Radio] Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa maanta Shir Jaraa’id oo u ku qabtay magaalada Qardho markii ugu horeysay kaga hadlay Mowqifkiisa Siyaasadeed ee arrimaha Puntland xiligaan ka taagan.
Gen Cadde Muuse ayaa sheegay in muddo shan bilood ah uu ku dadaalayey sidii Puntland u adkeysan lahayd Shacab iyo Maamulba Nabadda 14-ka sano lagu naaloonaayey,wuxuuna xusay in mudda uu joogay uu ku wareegay gobolada iyo degmooyinka Puntland si arrimaha taagan wax uga qabto.
Maxaan u Aamusnaa?
Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland Gen.Maxamuud Muuse Xirsi(Cadde) ayaa sheegay in Sababta uu uga hadli-waayey arrimo badan oo Puntland ka dhacaayey ay ahayd inuusan dooneyn marnaba in Qalalaase iyo dhibaato ka dhacdo deegaanka balse xiligaan ay noqotay wakhtigii uu hadli lahaa,
…”"Waxaan u aamusnaa oo Shicbiga u sheegayaa wadanka iney qalalaaso iyo dhibaato ka dhacdo marabin,Issimadi baan arkay,Dawladii baan arkay oo ku noqnoqday raga dawladda u dhow baan u tagay una sheegay sidii Nabada looga shaqeyn lahaa oo la isugu imaan lahaa….”"”ayuu yiri Gen,Cadde
Halkan ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gen Cadde Muuse Guji Halkan
Xisbiyadda
Gen Cadde Muuse ayaa ku tilmaamay Hannaanka Dimuqraadida wakhtigaan la wado waxba aysan ka jirin,wuxuuna ku sheegay Xisbiyada wakhtigaan jiraa kuwa laba qof iyo Saddex qof joogaan taasina aanba lagu sheegi karin Xisbiyo,wuxuuna Cadeeyey in Xisbiyo loo baahanyahay laakiin shaqada la wado waxba aysan ka jirin.
…”"” Xisbiyo sharci ku dhisan in la dhiso waa rabaa Dimuqraadi ah oo la doorto,qof kasta oo Puntland degan Xuquuqdiisa uu helo laakiin Xisbiyada hadda waad Ogtihiinoo Xisbi baa laba qof joogtaa,Xisbi baa Saddex, Xisbiyo majiraan waxa hada laga shaqeynaayo….”"”ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Xisbiyadu aysan shaqeyneyn isla markaana ay Ogyihiin rag loo soo diray Magaalooyinka kuwaas oo qorshahoodu yahay in si qarsoodi ah Sanaadiiqda ugu shubtaan balse taasi dhicimayso.
…”"”Xisbiyada shuruucdii la rabey oo dhan ayaa ka maqan,shuruuc badan,tira koobkii,Xuduudihii,warqadii la isku aqoonsanayey,Dimuqraadiyad waan rabnaa hala sameeyo marka Xisbiyadu ma soconayaa hada magaala kastaba rag baa loo soo diray waxay rabaan iney qarsoodi Sanaadiiq wax ku shubaan….”"”ayuu yiri Gen, Cadde Muuse.
Gen Cadde Muuse ayaa digniin u diray Dawladda Puntland,wuxuuna uga digay in si khaldan aysan u adeegsan Hannaanka Dimuqraadiyada isla markaana ay si toos ah uga shaqeyso Jiritaanka iyo Midnimada Shacabka reer Puntland.
_____________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiisla Boosaaso