Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/W Saacid oo kulan laqaatay waxgaradka Waqooyiga Gaalkacyo iyo Maamulka Gobolka (Sawirro)

$
0
0

Gaalkacyo [RBC Radio]Raysal wasaaraha Dowlada somalia Mudane cabdi faarax Shirdoon saacid  iyo wasiirka maaliyada Wasiiroa, Xildhibaano  iyo saraakiil sare oo Dowlada Somaliya oo shalay galinkii dambe soo gaaray galkacyo waxana   maanta intii aysan Kaduulin garoonka diyaaradaha waxaa ay  Kulan laqaateen  waxgaradka, ganacsato,Odayaasha Dhaqanka,Dhalinyarada,siyaasiyin hore iyo Masuuliyiinta maamulka Gobalka Mudug.

Kulanka oo ahaa kulan layku war qadanayey la iskana xog qadanayey waxana la isla soo qaday qodobo dhoor ah oo ay kamid ahayeen,Amaanka iyo Horumarinta Arimaha Bulshada waxaana raysal wasaaraha Ay si kal iyo laab ah uga codsadeen in uu gacan ka geysto dhismaha wadada u dhaxaysa garacad iyo Gaalkacyo Dhismaha garoonka diyaaradaha galkacyo Dhibaatooyin dhinaca amniga ah oo u dhaxeeya shacabka labada maamul ee Galmudug iyo Puntland.

Kulankan waxaa hadalka ku hormaray Axmed Muuse Nuur guddoomiye kuxigeenka labad ee gobolka Mudug waxana hadalkisa ku sheegay islamarkana kawarbixiyay caqabadaha ka jiraa waqooyiga Gaalkacyo iyo dhacdooyinka soo lab labtaa ee ka dhaca waqooyiga Gaalkacyo,waxana uu guddoomiyuhu kusheegay dhacdooyinkaasi dhibatoyin inta badan ay kala kulmaan kooxo ka soo dula koonfurta oo dhibatiyin ka geesta dhanka waqooyi.


Axmed Cali Salaad Faarax duqa degmada Gaalka ayaa isna dhinacisaa hadal uu soo jeediyay ku racayey hadalkii guddoomiyaha afkisa kasoo baxay.

Nabadoon C/raxmaan Xuseen Siciid (Gaani)ayaa ka hadalay arimo farabadan kuwasi oo uu kaga xogwaramay arimo dhoor ah waxana hadaladi uu u sheegay RW ka mid ahaa in dhibatooyin inta badan ay kala kulmaan koonfurta Gaalkacyo, sii dar dar gaalinta iyo dayactirkisaa garoonka diyaaradaha ee Cabdulahi Yuusuf,waxana ugu danbayntii uu soo hadal qaday in loo bahan yahay dhamaystirka waddada isku xirtaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garacad waxaa nabadonaka wax ka qabashadda arimaha uu soo ban dhigay uu sheegay in RW Saacid maa dama uu Gaani sheegay in dhamanba arimaha uu soo ban dhigay ay yihiin kuwo loo bahan yahay.

Kulankan oo ay kasoo qaybgalen dhalinyarada ayaa waxaa hadal ka jeediyay kulanka guddoomiyaha dhalanyarada gobolka mudug Maxamed C/qaadir Cigaal (Quute)ayaa isago afka dhalinyarada ku hadalaya waxa uu soo hadal qaday arimo ay kamid ahayeen talooyin iyo arimaha dhalinyarada.

Maxamed Quute ayaa RW ku borayiy kana codsaday inuu isu taago midinta dhalinyarada Soomaaliyeed siba kuwa ku dhaqan gobolka Mudug maadama gobolka mudug uu ka gadisan yahay gobolada kale ee dalka islamarkana ay ka arimiyaan labo maamul taasi oo aqabad ku ah dhalinyarada gobolka Mudug.

Kulankaan oo muddo soconayey ayaa intaas kadib waxa uu hadalkii soo garay wafti dowladda waxana dhinacoda hadalka hor qaatay Cawil Xasan Sulaymaan wasiirka maaliyadda iyo qorsheenta dalka hadalkiisa oo gabna waxaa uu cudu-daar ka bixiyay maqnashiyaha wasiirka arimaha gudaha oo qayb ka ahaa waftiga r”iisal wasaaraha balse an ka qayb galiin kulankan waxana uu wasiirku sheegay maqnaa shiyaha wasiirka inaytahay bixitaan safar uu soo baxay oo uu ku aaday dalka Sacuudiga.

Gababa gabadi waxaa hadalka qatay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid waxana uu amaanay dadka reer Gaalkacyo kuwasii oo uu ku tilmaamay inay ahayeed Gaalkacyo melihii ugu horaysay xiligii lamagacaabay so dhawenta looga soo diray.

Ra;iisal wasaaraha ayaa si dookale si wayen uga hadlay amaanka iyo xoojintisaa isagona odaayaasha ugu baaqay inay ka shaqeeyan sugida amniga iyo xal walbaa oo naba deed islamarkana ay wax walbaa ka hormariyaan nabadda.

Dhanca kale Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa oo ay wehliyaan  maamulka gobolka, ayaa ku booqday hoygiisa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimada loogu qadarinta badan yahay Soomaaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha iyo waftigiisa oo ay wehliyaan  maamulka gobolka, ayaa ku booqday hoygiisa Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah Isimada loogu qadarinta badan yahay Soomaaliya.

IMG_4016 IMG_4015 IMG_4014 IMG_4012 IMG_4008 IMG_3997 IMG_3948 IMG_3946 IMG_3944 IMG_3942 IMG_3938 IMG_3936 IMG_3934 IMG_3923 IMG_3921 IMG_3918 IMG_3915 abcd 2013-03-12 08.56.02
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio xafiiska wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles