Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Turkiga oo Deeq Waxbarsho siinaya Ardayda Soomaaliyeed ee dhameysata Dugsiga Sare (Warbixin).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Sida uu Raxan-Reeb u sheegay Gudoomiyaha Jaamacada Puntland State University (PSU ) Maxamuud Sheekh Xaamud  oo dhawaan safar Shaqo ku tagay Dalka Turkiga wuxuu tilmaamay in Turkigu  Qosheynayo  in uu Deeq Waxbarasho oo lacag la’aan ah Siiyo Ardayda Soomaaliyeed  Deeqdaasi oo aan Cidina loo soo marineyn iyagoo si toos ah ugala xiriiri doona dhanka Internetka, Deeqdan waxbarasho ayaaa kala ah, Associate Students, For Undergraduate Students, For Masters Student, For PH,D Students,Dhamaan Deeqahan Waxbarasho ayaa lagu bixinayaa bishiiba Lacag ardayga la siinayo oo aan ugu jirin Jiifkiisa Cuntadiisa iyo waliba Caafimaadkiisa taasoo uu ku tilmaamay Fursad qaali ah Gudoomiyuhu.

 

“ Waxaan taknay 2todobaad ka hor Dalka Turkiga Aniga iyo Asxaab jaamacado kale ka socday oo aan isku Dalad nahay waxaan ka koobneyn 4jaamacadood oo Muqdisho ah 3 S-Land ah iyo 2 Puntland ka socday, waxaanse Turkiga ku taknay 4 Qof anakoo ah danteenuna waxay ahayd in Turkigu ka qayb qaato sare u qaadida Waxbarashada Dalka si wada jir ah, waxaan ka dalbanay oo kale in Mucaawinada Soomaaliya uu turkigu ka wado La balaariyo oo aan meel lagu koobin oo Dadkoo dhan ay wada Gaartaa waxayna inoo sheegeen in ay Xafiis Deg deg ah ka furan doonaan Puntland iyo S-Land, Sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha Jaamacada (PSU)

 

Maxamuud Sheekh Xaamud ayaa ugu baaqay Ardayda Soomaaliyeed in ay Toos ula Xiriiraan Wadanka Turkiga oo aysan jiri doonin cid dhex-dhexaadineysa ama u dhaxaysa siiba wuxuu farta ku goday Gudoomiyuhu Ardayda Dhameysaneysa Sanadkan Duqsiga sare.

 

“ Waxaan leeyahay Anigoo Raxan-Reeb ogaysiin u marinaya Ardayda Soomaaliyeed siiba kuwa Reer Puntland in ay la xiriiraan Deeqdan Waxbarasho oo Mustaqbalka ardayda kaabi doonta waana fursad u taal dhamaan ardayda Soomaaliyeed qaasatan kuwa Reer Puntland, waxaad kala Xiriiri kartaan Boga Internetka idinkoo qoraya www.turkiyeburslari.gov.tr/index.php/en/ halkaas ayeey kala xiriirayaan si ay Macluumaad fara badan u helaan oo arintan ku saabsan.

 

Jaamacada PSU ee uu Maxamuud Sheekh Xaamud Maamulaha ka yahay Xarumana ku kala leh Magaalooyinka  Garoowe iyo Boosaaso ayaa Sanadihi ugu dambeeyey  soo saartay Arday kala duwan oo waxbarashadoodu ay u dhameystiran tahay kuwaasi oo iminka ka shaqeeya Xarumaha Dowlada iyo Hay’adaha Caalamiga ee Xarunta ku leh Magaalaa Garoowe iyo Puntland inteeda kaleba.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles