Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilawday bannaanbax lagu taageerayo shirka Soomaalida ee saaka ka furmaya magaalada London ee wadanka Ingiriiska.
Bannaanbaxan oo ay qabanqaabisay dawlada ayaa waxaa ka qeybgalaya raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo lagu wado inuu khudbad ka jeediyo.
Bannaanbaxa ayaa dhacaya iyadoo wax ka yar saacad ka dib magaalada London uu ka bilaabanayo shirka Soomaalida oo ay wada gudoomin doonaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron.
Amaanka magaalada gaar ahaan waddooyinka muhimka ah ayaa aad loo adkeeyay, waxaana baabuurta dadweynaha laga joojiyey waddada garoonka diyaaradaha, Makka Al Mukrama illaa madaxtooyada isku xirta.
Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com