Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Bakool oo sheegay iney alshabaab maalmaha soo aaddan ka saarayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas

$
0
0

Bakool(RBC Radio) Maamulka dibad joogga ah ee degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay iney maalmaha soo aaddan la wareegi doonaan degmooyinka gobolkaas ee gacanta ugu jiray ururka alshabaab gudoomiyaha degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool Maxamed Macalin oo ku sugan degmada Ceel-barde ee gobolkaas ayaa sheegay iney dhawaan alshabaab ka saari doonaan guud ahaan gobolka Bakool.

Gudoomiye Maxamed Macalin ayaa sheegay inuu soo dhamaaday kulan ay iskugu yimaadeen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bakool saraakiisha ciidamada  iyo maaamulka gobolkaas kulankaas oo looga arinsanayey sidii  alshabaab loogu qaadi lahaa dagaal mideysan oo looga saarayo deegaanada ay gobolka kaga sugan yihiin xiligan.

Gudoomiyaha degmada Xudur ayaa sheegay in kulankaas lagu go’aamiyey in dhammaan bulshada ku dhaqan gobolka Bakool ay u wada istaagaan sidii ay iskaga xoreyn lahaayeen alshabaab oo ka arimiya degmooyin iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Bakool.

Maxamed Macalin ayaa dhanka kale ka warbixiyey dagaal ka dhacay duleedka degmada Xudur deegaan u jira 15-KM qiyaastii,wuxuuna tilmaamay iney alshabaab khasaare ku gaarsiiyeen dagaalkaas isla markaane wuxuu xusay  in dagaalkani uu qayb ka yahay dadaalada ay ku doonayaan iney alshabaab kaga sfiyeeyaan gobolka Bakool,alshabaab ayaa dib ula wareegay xarunta gobolka Bakool ee Xudur kadib markii ay banneeyeen ciidamada Ethiopia oo degmadaas uga baxay sababo aan la qeexin.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles