Hargeysa (RBC) Sida ay xaqiijinayeen ilo wareed ku dhow taliska booliska magaalada Hargeysa ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida Somaliland ayaa maanta si kedis ah ku galay guri ay ku nooshahay haweeney dhashay Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha kooxda mintidka ee Al Shabaab.
Ciidamada ayaa saaka waaberigii galay guriga ay ku nooshahay Godane hooyadiis kaasoo ku yaalla bartamaha magaalada Hargeysa, waxayna ciidamada oo aad u hubeysnaa ay halkaasi ka sameeyeen baaritaan.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in ciidamada ay su’aalo weydiiyeen haweeneyda oo da’ ah ayna markii dambe guriga uga tageen. Gurigan ayaa ah halkii uu ku noolaan jiray Axmed Godane ka hor intii uusan waxbarashada u aadin wadanka Suudaan sanadihii siiddeetameeyadii.
Hase yeeshee waxay saaka ciidamada nabadsugida qabteen labo nin iyo gabar la dhashay Axmed Godane. Labada nin mid ka mid ah ayaa ka tirsan ciidamada booliska maamulka Somaliland.
Ma cadda in baaritaankan ay wax lug ah ku leeyihiin sirdoonka dawladaha deriska ama kuwa saaxiibtinimada kala dhexeyso Somaliland. Booliska iyo hay’adaha amaanka ayaan si rasmi ah waxba uga oran illaa hadda arrinkan.
Waxaa wararku sheegayaan in saddexda ruux weli su’aalo la weydiinayo, iyadoo warar hoose ay sheegayaan in sirdoonka Somaliland ay aad uga shaki qabaan in laga yaabo in Axmed Cabdi Godane uu si dhuumasho ah ku iman karo deegaanada Somaliland haddii ay sii socdaan weerarada ciidamada dawlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sii socdaan isla markaana kooxda Al Shabaab laga ceyriyo deegaanada ay hadda ku sugan yihiin.
Maamulka Puntland ayaa sidoo kale horey u sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha sare ee kooxda Al Shabaab ay u soo cararareen deegaanada buuraleyda Galgala kadib markii dagaalada koonfurta dalka ay kusoo jabeen.
RBC Radio