Hargeysa (RBC) Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta Hargeysa dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhammaysteen safarro ay dalal kala duwan ku soo mareen.
Madaxweyne Siilaanyo oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa markii uu ka soo degay diyaaraddii siday ayuu markale ku celiyey in maamulka Somaliland aanu ka qeybgali doonin shirka Soomaalida ee London ka furmaya toddobaadkan magaalada London oo ku beegan 7-da May 2013.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Hargeysa