Hargeysa(RBC):- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa baafinaya 32 Xildhibaan oo Golahaas ka tirsan, kuwaasoo aan ka soo xaadirin Kalfadhiga 8-aad ee Wakiillada oo bishii hore u furmay.
Mundayaasha Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland baadi-goobayaan, ayaa la sheegay inay qaarkood ku maqan yihiin dalalka dibedda, halka qaarkood-na ay Somaliland joogaan ama ku sugan yihiin, balse ay fudaydsadeen inay fadhiyada kal-fadhiga siddeedaad ee Golaha ay ka tirsan yihiin yimaaddaan.
Sidaa waxa lagu sheegay qoraal uu soo saaray, kuna saxeexan yahay Xogahayaha guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaq Siciid Ayaanle. Waxaanu qoraalkaas Xoghayaha guud ee Wakiilladu maanta soo saaray u dhignaa sidan:- “Waxaan idinka codsnaynaa in aad noo baahisaan mudanayaasha Liiska ku qoran oo aan ka soo xaadirin fadhigii 8aad ee kalfidhiga 21aad ee Golaha Wakiiladda kuwaas oo kala ah:-
1. C/qaadir X Ismaaciil Jirde
2. Ibraahim Maxamed Xuseen
3. Khadar Aadan Xuseen
4. Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan)
5. Maxamed H Yuusuf Axmed (Waabeeyo)
6. Maxamed Jaamac cali Guuleed
7. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle
8. Mahdi C/llaahi Maxamud
9. Maxamed Jaamac Cabdi
10.Maxamed Cali Xirsi
11.Maxamed X Maxamud Cumar Xaashi
12.Naasir Cali Shire
13.Mahdi Xuseen Adar
14.Maxamed Cismaan Maxamed (Bulqaas)
15.Aadan X Diiriye Dirir (Aadan Sanqoole)
16.Aadan Muxumed Hoori (Mataan)
17.Axmed Xasan Aadan (Waysacade)
18.C/casiis Ismaaciil Ducaale (C/casiis Dhul-cun)
19.Jaamac Xasan Aadan
20.Maxamed Saalax Cige
21.Mahdi X Xasan Sugaal
22.Cumar Axmed Sulaymaan (Cumar San-weyne)
23.Maxamed Axmed Maxamud
24.C/qaadir Jaamac Tukaale
25.Fu’aad Sheekh Muxumed Cabdalle
26.Yaasiin Cali Warsame
27.C/raxmaan Maxamed Talyanle
28.C/raxmaan Muuse Jaamac
29.C/raxmaan Yuusuf Cartan
30.Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe
31.Axmed Maxamed Diiriye Nac nac
32.C/qaadir Xasan Askar..”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.