Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde,waxaana Gagida diyaaradaha si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed sheekh Cismaan Jawaari,R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid,wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka, madaxweynaha iyo waftiga uu hogaaminayo ayaa kasoo qaybgalay shir madaxeedka urur goboleedka IGAD ee shalay ka dhacay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo hal maalin ah dalka ka maqnaa ayaa qudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shir madaxeedkii wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ugu soo dhamaaday magaalada Addis ababa ee xarunta midowga Afrika.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa diyaar garow ugu jiray shirka maalinta Talaadada ee soo socota Soomaalida uga furmaya magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska Shirkaas oo madaxweyne Xasan Sheekh ay si wada jir ah u wada shir -gudoomin doonaan R/wasaaraha Ingiriiska David Cameron.
Masuuliyiinta dalalka gobolka ayaa si weyn u taageeray shir weynaha 7-da bishan ka furmaya magaalada London kaasoo lagu doonayo in dowlada Soomaaliya looga taageero,dhinacyada amniga,dhaqaalaha,dib u dhiska ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee mudada dheer ka socday.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho