Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortagay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaaladaha dalka, madaxweynaha ayaa khudba dheer u jeediyey mudanayaasha baarlamaanka,wuxuuna si gaar ah uga hadlay xirnaanshaha wadooyinka magaalada magaalada Muqdisho iyo ujeedooyinka rasmiga ah ee ka danbeeya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in wadooyinka magaalada loo xiray si looga hortago weeraro uu cadowgu la maaggan yahay inuu Muqdisho ka geysto,wuxuuna tilmaamay in hawlgalkani uu yahay mid ka socda magaalooyin badan oo ka tirsan gobolka geeska Afrika isla markaane uu yahay mid isku xiran oo hal ujeedo leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday shacbiga Soomaaliyeed iney dowlada ka taageeraan dagaalka wajiga cusub ee lala galayo alshabaab”dagaalkii dhufeyska la iskugu jiray wuu dhamaaday,hadda dagaalku wuxuu isu bedelay nin Macawis sita oo wadada dhinaceeda taagan kaasoo gaaday meel ay dad Soomaaliyeed ku urursan yihiin iyo masuul ka tirsan dowlada oo jidka maraya,dagaalka nuucan ah wuxuu u baahan yahay qorshe cusub oo la iskaga difaaco” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa shacabka u sheegay in xirnaanshaha wadooyinka ay ka daran yihiin dhibaatada alshabaab ay maleegayaan ee la doonayo in laga hortago,wuxuuna kula dardaarmay bulshada Soomaaliyeed iney dowlada ka gacan siiyaan sidii ay alshabaab uga sifeyn lahayd guud ahaan dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho