Taleex(RBC Radio) Maamulka Khaatumo ayaa cambaareeyey shirkii wadanka Turkiga ku dhexmaray dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland afhayeenka madaxtooyada maamulka Khaatumo Mukhtaar Ibraahim ayaa si kulul u weeraray wadahadlkii Turkiga iyo heshiisyadii ay ku kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.
Afhayeenka madaxtooyada maamulka Khaatumo ayaa shirka magaalada Ankata ee dalka Turkiga ay ku yeesheen madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamulka Soomaaliland ku tilmaamay kala dhantaalida qaranimada umada Soomaaliyeed.
Wuxuuna daboolka ka qaaday in shirkaasi uu ahaa mid dhabarka ka jabinaya midnimada umada Soomaaliyeed,Mukhtaar ayaa tibaaxay inuu dowlada federaalka uga digayo iney ka weecato dastuurka dalka oo dhigaya in midnimada umada Soomaaliyeed ay tahay lama taabtaan.
Mukhtaar Ibraahim afhayeenka madaxtooyada maamulka Khaatumo ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka dalbaday iney arintaasi soo fara galiyaan isla markaane ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan xadgudubka ay dowladu ku samaysay dastuurka qaranka sida uu yiri.
Masuuliyiinta dowlada federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta maamulka Soomaaliland ayaa dhawaan wadanka Turkiga ku yeeshay wadahhadalo ay kasoo bexeen heshiis ka koobnaa dhowr qodob oo ay isku raaceen labada dhinac.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho