Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo dhaliilay xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul u dhaliilay sida uu u socdo hawlgalka ay ciidamada dowladu ka wadaan magaalada Muqdisho maalintii 3-aad kaasoo saamayn badan ku yeeshay nolosha bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Yuusuf Jibriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in hadii uu sidan ku sii socdo hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan magaalada Muqdisho ay ka dhalan doonto kacdoon shacab oo ka dhan ah dowlada Soomaaliya,wuxuuna shaaca ka qaaday in xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho ay curyaamiyeen noloshada shacabka magaalada.

Xildhibaanka ayaa sharaakiisha ciidamada hogaaminaya ugu baaqay in ciidanka ay wax badan ka bedelaan hab dhaqanka xiliyada ay hawlgalada ay ku jiraan,wuxuuna ku dhaliilay ciidamadu iney handadaan shacabka isla markaane ay jirdil iyo tacadiyo kale kula kacaan,wuxuuna ugu baaqay saraakiisha ciidanka iney ka fogaadaan iney shacabka  dhibaateeyaan.

“Ciidamadu maaha iney qof walba cadow u arkaan,waa inaan la abuurin kacdoon dadweyne oo dowlada ka dhan ah,ciidamadu waa iney kasbadaan shacabkooda” ayuu yiri xildhibaan Cabdi Yuusuf oo dhaliilsan sida ay saraakiisha ciidanku u wadaan hawlgalka la sheegay  in lagu adkeynayo amniga Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19672

Trending Articles