Muqdisho(RBC Radio) Maanta maalintii 3-aad ayaa waxaa xiran inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya shacabka magaalada Muqdisho ayaa saaka ay u tahay maalin kale oo aysan magaalada ka jirin isu socodkii gaadiidka,waxaana gabi ahaanba xiran ganacsigii iyo waxbarashadii magaalada kadib markii ay saamayn badan ku yeesheen xirnaanshaha wadooyinka caasimada Muqdisho.
Ciidamada ayaa shacabka laguynaya ku samaynaya baaritaano xoogan iyadoona goobaha qaar ay ciidamadu diidayaan in dadka lugaynaya ay maraan,waxaana wadooyinka magaalada ku sugan ciidamo fara badan oo iskugu jiray booloska,nabad sugida iyo milateriga dowlada Soomaaliya oo ay kaabayaan kuwa AMISOM oo gaadiidkooda dagaalka ay ku sugan yihiin wadooyinka muhiimka ah ee caasimada Muqdisho.
Wadooyinkii mashquulka badnaa ee Muqdisho ayaa haawanaya,waxa kaliya ee ay indhahaagu qabanayaan ayaa ah ciidamada dowlada iyo gaadiidkooda dagaalka oo gaaf wareegaya wadooyinka magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta dowlada ayaa ku micneeyey hawlgalkan saamaynta badan ku yeeshay nolosha shacabka Muqdisho iney kaga gaashaamanayaan weeraro laga cabsi qabo in alshabaab ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho