Beledweyn (RBC) Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne oo qeyb ka ah hawlgalka Amisom ayaa maanta xiray idaacadda Codka Bartamaha ee magaalada Beledweyne iyagoo xabsiga dhigay labo wariye oo idaacaddaasi masuuliyiin ka ahaa.
Ciidamada Jabuuti oo watay gaadiid dhowr ah ayaa la sheegay inay saaka tageenxarunta idaacadda kadibna ay qaateen qalabkii idaacadda yaallay ee ay ku shaqneysay iyagoo horeyna u sii kaxaystay agaasimihii idaacadda Cismaan Cabdullaahi Careys iyo tifaftirihii idaacadda Siraaji Cumar Cabdi.
Ciidamada Jabuuti ayaa qalabkii idaacadda geeyay xaruntooda iyagoo labada wariyana ku xuray saldhiga booliska ee degmada Beledweyne.
Mulkiilaha Radio Codka Bartamaha Axmed Sheekh Nuur Cirro ayaa sheegay in idaacada loo heysto war ku saabsan weerar Al Shabaab ay xalay ku qaadeen deegaanka Ceelgaal oo ku dhow Beledweyne halkaasoo dad ay ka kaxaysteen.
Dhanka kale taliyaha ciidamada Jabuuti Gen Cusmaan Dubbad ayaa VOA u sheegay in idaacaddan ay tahay mid ku cusub deegaanka ayna dhegaha dadka ku shubto warar casigelin ah, sida uu yiri.
Warar galabta na soo gaaray ayaa sheegaya in labada wariye xabsiga laga siidaayey galabta balse ciidamada weli ay haystaan qalabkii idaacadda ay ka qaateen.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamo ka tirsan Amisom ay ku lug yeeshaan xarig idaacad iyo wariye gudaha Soomaaliya.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed [NUSOJ] ayaa cambaareeyay falkan kuna tilmaamay mid ka horimaanaya waajibaadka Amisom ee Soomaaliya.
RBC Radio