Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Haweeney xirneed walxaha qarxa oo dooneysay iney isku qarxiso shirka Kismaayo oo gacanta lagu dhigay

$
0
0

 

Kismaayo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka kumeelgaarka ah ee gacanta ku haya magaalada  Kismaayo ay gacanta ku dhigeen haweeney la sheegay iney isku soo xirtay waxyaabaha qarxa, taasoo damacsaneed iney isku qarxiso xarunta Jaamacadda Kismaayo oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Jubaland.

Afhayeenka maamulka kumeelgaarka ah ee ka arimiya magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ciidanka AMISOM iyo kuwa maamulka magaaladu ay qabteen  haweeneyda oo  xirneed walxaha qarxa iyo Bambaanooyin taasoo isku dayeysay iney qarax ismiidaamin ah ka geysato gudaha xarunta uu ka socdo shirka lagu dhisayo  maamul goboleedka Jubaland.

Seeraar ayaa sheegay in haweeneydaas lagu guuleystay in la qabto iyadoo uusan  dhicin wax qaraxa,wuxuuna shaaca ka qaaday in ciidamadu ay fashiliyeen falkaas,afhayeenka maamulka Kismaayo C/naasir Seeraar ayaa daboolka ka qaaday in haweeneydaasi  sharciga la marin doono isla markaane  dil toogasho ah lagu fulin doono.

Seeraar ayaa intaa ku daray in ciidamada maamulka magaalada Kismaayo oo kaashanaya kuwa AMISOM iney xoojin doonaan amniga magaalada, isla markaane ay ka hortagi doonaan fal walba oo la doonayo in dhibaato looga geysto gudaha magaalada gaar ahaan shirka ka socda magaalada ee maamulka loogu dhisayo gobolada,Gedo Jubada hoose iyo Jubada dhexe oo xiligan ka socda gudaha magaalada Kismaayo.

Xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ah halka uu ka socdo shirka la doonayo in maamulka loogu sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa sidan oo kale bil ka hor loo fashiliyey haweeney damacsaneed iney isku dhex qarxiso ergada shirka ka qaybgalaysa.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles