Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Alshabaab oo wacad ku maray iney u aar gudayaan 13-kii ruux ee shalay lagu toogtay magaalada Boosaaso

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Afhayeenka guud ee ururka alshabaab ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii shalay magaalada Boosaaso lagula fuliyey 13 ruux oo maamulka Puntland uu sheegay iney ka tirsanaayeen alshabaab isla markaane ay ku lug lahaayeen dil deegaanada Puntland loogu geystay dad bada oo ka tirsanaa masuuliyiinta Puntland,Culima udiin iyo  saraakiil kasoo jeeda deegaanada Puntalnd.

Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney ka  tacsiyeynayaan xasuuq uu sheegay in Boosaaso loogu geystay dad aan wax lug ah ku lahayn waxyaabihii loo cuskaday dilkooda,wuxuuna wacad ku maray iney u aar gudayaan dadka lagu toogtay magaalada Boosaaso.

Sh Cali Dheere  ayaa ku celceliyey in alshabaab ay ku bixin doonaan wax kasta oo awood ah oo ay leeyihiin sidii ay ugu aar gudi lahaayeen,dadka uu sheegay inuu xasuuqay maamulka Puntalnd oo uu ku tilmaamay inuu u adeego cadowga umada Soomaaliyeed ee muslimka ah sida uu hadalka u yiri.

Afhayeenka alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in alshabaab ay beegsan doonaan dhammaan dadkii lugta ku lahaa dilka dadkaasi”cidii amartay,kuwii xukunka riday,kiwii marqaatiga beenta ah ku furay iyo kuwii soo jaajuusay ilaa aan uga aar gudno dhibaatadii ay dadka masaakiinta ah u geysteen ma hurdi doono mana harsan doono” ayuu yiri afhayeenka alshabaab Sh.  Cali Dheere.

Cali Maxamuud Raage ayaa  baaq u daray shacabka  Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland,wuxuuna ka codsaday iney alshabaab gacan ku siiyaan dagaalka ay kawadaan Soomaaliya iyo sidii ay uga taqalusi lahaayeen waxa uu ku tilmaamay maamulada u shaqeeya  cadowga Islaamka  sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles