Wanla-weyn(RBC Radio) Wararka ka imaanaya degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in Roobab khsaare nafeed geystay ay ka de’een degmadaas,Roobabka oo la sheegay iney saacado fara badan da’ayeen ayaa daadadkii ka dhashay waxaa ku geeriyooday 4 ruux oo la sheegay iney ahaayeen Carruur aad u da’yar.
Gudoomiyaha maamulka degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha hoose Isxaaq Maamow Caliyow ayaa sheegay in Roobabkii ka da’ay degmadaas ay dhibaato baaxad leh u geysteen dadka ku nool degmada Wanla-weyn iyo nawaaxigeeda.
Gudoomiya ayaa sheegay in kasokoow geerida Carruurta ay sidoo kale Roobabku baabi’iyeen boqolaal guri oo degmada ku yaallay,wuxuuna intaa ku daray in dadkii ku dhaqnaa xaafadaha ay sida ba’an u waxyeeleeyeen daadku iney kasoo barakeceen xaafadihii ay ku noolaayeen xiligane ay ku dhibaateysan yihiin qaybaha kale ee degmada Wanla-weyn.
Wuxuuna intaa ku daray ineysan jirin wax gurmad ah oo dadkaas loo fidiyey,Gudoomiye Caliwo ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka oo uu ka dalbaday iney gurmad deg deg ah lasoo gaaraan dadka ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay degmada Wanla-weyn,wuxuuna si gaar ah baaq ugu diray dowlada Soomaaliya oo uu ka codsaday iney kasoo jawaabto dhibaatada haysta shacabka degmadaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho