Ankara(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku guda jira safarka uu ku joogo wadanka Turkiga ayaa la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarasho ka helay dalka Turkiga,wuxuuna uga jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay Ardaydu gudoomiyaha weydiiyeen.
Axmed Cumar oo ah gudoomiyaha gudiga Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa gudoomiyaha baaralmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uga mahad celiyey fursada uu Ardayda u siiyey iney su’aalo weydiiyaan.
Su’aalaha ay Ardaydu gudoomiye Jawaari weydiiyeen ayaa waxaa kamid ahaa qorshaha dowlada gaar ahaan baarlamaanka ee arimaha dib u eegista dastuurka kumeelgaarka ah,Samaynta xeerarka maamul goboleedyada iyo dejinta shuruucda federaalka ee dalka.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka ayaa si saraaxad leh mid mid uga jawaabay su’aalihii ay ardaydu weydiiyeen,wuxuuna ku booriyey iney maanka mar kastaba ku hayaan iney dalka Turkiga u joogaan umada Soomaaliyeed isla markaane ay yihiin madaxdii Mustaqbalka ee bulshada Soomaaliyeed.
Ardayda ayaa muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin hawlaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo gudaha dalka ka wado dadaalo fara badan oo ay ku gudanayaan xilka ay u hayaan shacbiga Soomaaliyeed oo kasoo daalay dhibaatooyinkii dagaalada sokeeye.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho