Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Faahfaahin: Qodobadii Ay Isku Mari Waayeen Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland

$
0
0

Muqdisho (RBC) Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qodobada waaweyn ee la isku fahmi waayey wadahadal qaatay labo maalmood oo magaalada Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole iyo madaxweynaha dawlada federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Wadahadalka oo bilawday maalintii Axadii ayaa labada dhinac waxay miiska soo saareen qodobo dhowr ah oo sida ay sheegeen masuuliyiinta labada dhinac intooda badan la isku afgartay, hase yeeshee ay jireen qodobo la isku mari waayey.

Labada dhinac, ayaa sida shir jaraa’id oo ay wadaqabteen madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole waxay wadahadalada ku soo qaadeen nabadgelyada, ciidamada, dib u heshiisiinta, midnimada dalka, dhismaha maamul goboleedyada iyo kaalinta maamulada ay yeelanayaan.

Dawlada federaalka ayaa dhinaceeda ogolaatay in la dhaqangeliyo heshiiskii Puntland iyo raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon wada saxiixeen bishii hore markii uu raysul wasaaruhu booqashada ku tagay magaalada Garoowe.

Saddex qodob oo dib loo dhigay

Kadib markii wadahadaladu dheeraadeen, wax isafgarad ahna la gaari waayey, ayaa labada dhinac waxay meel iska dhigeen saddex arrimood oo gundhig u ahaa wadahadalka iyo socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Garoowe.

1) Shirka Kismaayo:  Waxaa dib loo dhigay qodobkan kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku celiyey in dawlada federaalka ay horey go’aan u gaartay kaasoo ah in dhammaan gobolada dalka ee aan hadda maamulada lahayn loo sameeyo maamul heer gobol oo shaqeeya lix bilood, kadibna la diyaariyo doorasho loo dhan yahay.

Xasan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole oo shir jaraa’id wada qabtay.

Dhanka Puntland ayaa arrintan ka horyimid, waxayna Puntland sheegtay in shirka Jubbooyinka ka socda la saxo wixii ka khaldan, dadka ka maqanna lagu soo daro hase yeeshee aan laga hor imaan taasoo Puntland ku sheegtay inay sababi karto ammaandarri iyo in Al Shabaab ka faa’ideysato khilaafka hoose ee dawlada iyo qabanqaabiyaasha shirka Kismaayo u dhexeeya.

Afhayeenka maamulka Puntland Axmed Cumar Libaaxjoore ayaa Raxanreeb u sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo qodobkan laga gaaray.  Mana cadda in markale la isugu soo laaban doono ka wada hadalka qodobadan la isku mari waayey ee la sheegay in dib loo dhigay.

2) Ka qeybgalka shirka London: Maamulka Puntland ayaa dalbaday in sidii ay uga qeybgaleen shirkii 2012 ee London ka dhacay ay haddana uga qeybgalaan shirka 7-da bisha May ka dhici doona London iyagoo ah maamul goboleed ajendihiisa wata, hase yeeshee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taasi ku tilmaamay mid soocelineysa isbarbaryaacii horey Soomaalida uga dhex jiray.

Dawlada federaalka maadaama ay iyada bixineyso casuumaada shirka, waxay ku adkeysatay in shirka London looga qeybgalayo hal wafdi oo Soomaali ah, xubnaha Puntland ay ka mid noqdaan wafdiga dawlada federaalka, taasoo Puntland markeeda ay diiday.  Sidaasi ayaa qodobkaasina lagu xiray.

3) Qodobo horey dastuurka ugu jiray; Puntland ayaa dood ka keentay lifaaq ka mid ah qoraalkii qabyada ahaa ee dastuurka federaalka oo 22-June-2012 lagu qoray magaalada Nairobi kaasoo ay qoreen kooxdii saxiixayaasha “roadmap-ka” oo ka koobnaa dawladii ku-meelgaarka ahayd, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna kuwaasoo qaarkood meesha uu ka saaray baarlamaanka federaalka.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay inuu rabo in qodobadaasi lagu soo celiyo dastuurka, kadibna la baaro cidii ka dambeysay in laga saaro dastuurka, hase yeeshee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cadeeyay inay fiican tahay in maalibna “sida loo jabo loo dhutiyo” isla markaana aan lagu noqon waddo uu ku tilmaamay inaysan hadda ku habooneyn.

Saddexdan qodob oo nuxur ahaan ahaa waxyaabaha waaweyn ee asalka u ah wadahadalka labada dhinac ayaa gebi ahaanba la soo xiray, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh oo 24 saac ka badan joogay Garoowe uu sheegay in waqtiga oo ku yar iyo hawlo badan oo u yaalla darteed uu dib ugu laabanayo Muqdisho, waxaana shir jaraa’id ay wadajir u qabteen isaga iyo madaxweynaha maamulka Puntland.

Intii ay ka hadlayeen shirka jaraa’d madaxweyne Faroole ayaa dhowr jeer carrabka ku dhuftay in waxyaabo la isku fahmi waayey ay jiraan isagoo ku micneeyay “in dib loo dhigtay”.

War saxaafadeed kooban oo madaxtooyada dawlada federaalka laga soo saaray ayaa lagu sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii loo dhaqangelin lahaa heshiisyadii hore, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadahadalada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles