Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Muqdisho:Marwada Koowaad ee Madaxweynaha oo deeqo gaarsiisay Naafo iyo Bukaano ku jira Isbitaal Madiina

 

Muqdisho(RBC Radio) Marwada koowaa ee madaxweynaha Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ayaa maanta deeqo gaarsiisay bukaanada ku jira Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,Marwada ayaa deeqo lacageed  gaarsiisay bukaano fara badan oo Isbitaalka u jiifa cuduro kala duwan iyo dhaawacyo kasoo gaaray qaraxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qamar Cali Cumar oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu baaqday dowlada Soomaaliya iyo dadka wax haysta iney gargaar u fidiyaan Bukaanada ku ildaran Isbitaalka Madiina iyo dadka kale ee ku tabaaleysan magaalada Muqdisho,waxayna hoosta ka xariiqday in deeqdani aysan ahayn middii ugu danbeysay ee ay gudoonsiiso dadka taagta daran ee ku dhaqan Caasimada Muqdisho.

Marwada Koowaad ee madaxweynaha Qamar Cali Cumar ayaa dhanka kale deeq gaarsiisay 769 ruux oo Naafo ah kuwaas oo tababar ku qaadanaya degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir,deeqda oo ka koobneed Raashin kala duwan,Naafadii deeqda la gudoonsiiyey ayaa si diiran usoo dhaweeyey deeqda ay soo gaarsiisay marwada Madaxweynaha.

Qamar Cali Marwada koowaad ee madaxweynaha oo la hadashay Naafada ay deeqda gaarsiisay ayaa sheegtay iney ku faraxsan tahay iney la kulanto Naafo intaa la eg oo tababar qaadanaya,waxayna ku amaantay Cabbaas Ismaaciil Cadow oo ah gudoomiyaha ururka Naafada Soomaaliyeed ee SODEN kaasoo soo qaban qaabiyey tababarka la siinayo Naafada Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles