Garoowe (RBC RADIO) Madax weynaha Dowlada Somaliya mudane Xasan sheekh Maxamuud iyo wafidigiisa waxay garoonka diyaaradaha ee Garoowe International kasoo dageen abaaro 6:30kii Duhurnimo waxaana Safarkiisa ku wehliyay Madaxweynaha Wasiirka Maaliyada Xildhibaano katirsan Baarlamaanka iyo Suxufiyiin waxaana soo dhaweynta Mudane Xasan sheikh ka qayb qaatay Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa iyo Qaar ka mid ah Masuuliyiinta labada Gole oo ay wehliyaan Saraakiisha ciidanka booliiska Puntland.
Kadib Salaan sharaf uu ka qaatay Ciidanka Qalabka Sida ee Puntland Mudade Xasan Sheekh Wuxuu Gacan Qaaday in ta badan Masuuliyiinta Dowlada Saraakiisha Ciidanka hooyooyinka ururada rayidka iyo Dadweynihii kale ee Madasha isugu yimid, intaa kadib waxaa Madxweynaha loo galbiyay dhanka Madaxtooyada Cusub waxaana si weyn loo sugay amniga Guud iyadoo laamiga ilaa Garoonka diyaaradaha ay safnaayeen ciidanka Amniga kuwaasi oo Nabad gelyada sugayay, waxaa kaloo jiray Dad badan oo isagu soo baxay laamiga kuwaasi oo ka qayb qaadanayay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud kuwaasi oo kor u hayay calanka Soomaliya iyo Kan Puntland waxaana Madaxweynaha iyo Wafdigiisa la geeyey Xarunta Madaxtooyada.
Kadib markii Madaxdu ay wada tageen Xarunta Madaxtooyada wuxuu madaxweyne faroole oo hadalka ku horeeyey uu sheegay in ay si diiran usoo dhaweenayaan ayna ayidsanyihiin shacabka Puntland iyo Dowladoodaba ku dhaqanka Federaaliisimka ayna tahay waxa lagu soo dhisay Xukuumada iminka Dalka soomaliya ka arimisa wuxuu kaloo Madaxweynuhu sheegay in Puntland loogu soo dhaweynayo si kalgacal leh Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdiga uu horkacayo, halka Madaxweynaha Soomaliya uu sheegay dhankiisa in ay haboontahay marka hore in laga fikiro sida lagu gaari karo federaalisimka ayna tahay waajib dastuuri ah in wax walba laga horeysiiyaa Midnimada umada Soomaliyeed,Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan dad lagu tacadiyay oo dhibaato loo geystay iyo kuwo wax tabanaya sidaa darteed ay waajib tahay in Soomaalida meel kasta oo ay caalamka ka joogto leysu soo dhaweeyo.
Inkastoo ay si isu Baalmarsanyihiin labada hadal oo ay kala jeediyeen Madaxdu hadana waxaa jiray Kulan ay Saxaafadu banaan joog ka ahayd oo ay 2da dhinac ay yeesheen, waxaana Madaxweynuhu uu caawa ku hoyan doonaa madaxtooyada cusub iyadoo Booqashona uu ku tagi doono goobo ka mid ah Xarumaha Dolwada ee garoowe ku yaal.
Ma suurta Gelin intii uu kulanku gudaha ka socday in saxafiyiintu ay Warbixin ka helaan waxa halkaasi ka dhacay kadib markii ay si cad oo aan ka gabasho lahayn isku hortaageen ciidanka Madaxtooyada iyo kuwii la socday Madaxweyne Xasan sheikh waxaana Saxafiyiintu handadaad loo gaystay kadib ay isaga soo dareereen Xarunta Madaxtooyada iyagoon gudan waajibkoodii oo si cad looga hor istaagay laguna jirdilay qaarkood, hadaba dhibaatooyinkii loogaystay wariye yaasha dib ayaanu idinkaga soo gudbin doonnaa.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garowe.