Muqdisho(RBC Radio) Shil gaaro oo qasaare nafeed geystay ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,shilka ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Caasimada Muqdisho shilka ayaa yimi kadib markii ay isku dheceen gaari nuuca loo yaqaan Hoomeyda siday rakaab iyo gaari weyn ee xamuul ah.
Waxaana ka dhasha shilkaasi gaari y dhimashada 1 ruux iyo dhaawaca 4 kale oo dhamaantood ahaa dadkii saarnaa gaariga Hoomeyda ah, goobjoogayaal ku sugnaa Isgoyska Ceel-gaabta xiliga uu shilku dhacayey ayaa inoo sheegay in ruuxa dhintay uu ahaa Darawalkii gaariga Hoomeyda ah halka 4-ta kale ee dhaawacmay ay ahaayeen rakaabkii gaariga saarnaa.
Wada gaariga xamuulka ah ayaa la sheegay inuu awoodi waayey xakameynta Isteerinka gaariga uu waday taasoo keentay in gaaarigaasi uu ku dul dhoco gaariga kale ee Hoomeyda ah, dadkii ku dhaawacmay shilkaas ayaa loola cararay Cisbitaalada magaalada Muqdisho si xaaladooda loogu dabiibo,walow qaar ka mid ah dhaawacyada laga dayrinayo xaalkooda.
Shilalka gaadiidka ee qasaaraha geysta ayaa inta badan ka dhaca gudaha Muqdisho iyo gobolada dalka,waxaana loo aaneeyaa wadayaasha gaadiidka oo aan lahayn aqoon kufilan iyo burbur xoogan oo soo gaaray wadooyinka dalka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho