Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoonka Baarlamaanka oo Mamnuucay in Baarlamaanka la horkeeno Mooshin ka dhan ah Heshiiskii Ankara ee Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gabi ahaanba laalay Mooshin ka dhan ahaa heshiiskii  magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay ku gaareen dowlada  Soomaaliya iyo maamulka  Soomaaliland oo ay gudoonka baarlamaanka  usoo gudbiyeen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka oo dhaliilsan heshiiska kasoo baxay wada hadaladii Turkiga.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa olole ugu jirey iney gudoonka uso gudbiyaan  Mooshin ay ku dalbanayeen in mudanayaasha baarlamaanku ay kaga doodaan heshiiska kasoo baxay shirkii ay magaalada Ankara ku yeesheen madaxda dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland iyagoona ku andacoonayey in heshiiskaasi uu si buuxda aqoonsi u siinayo maamulka Soomaaliland.

Gudoonka baarlamaanka ayaa maanta gabi ahaanba laalay in mudanayaasha baarlamaanku ay ka doodaan Mooshinkaas,wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharci ahayn,gudoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaaqay iney manuuc tahay in mooshin laga keeno heshiiskaas maadaama aysan ahayn arin u taalla golaha sharci dajinta baarlamaanka.

“Nagama sugeysaan inaan baarlamaanka hor keeno Mooshinka ku saabsan heshiiska dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland,shaqadaas waxaa u xilsaaran hay’ada fulinta dowlada ee xukuumada” ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha baarlamaanka oo kala fadhiga  2-aad kulankii 22-aad shir gudoominayey.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles