Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

QM oo ku talisay in dowlada Soomaaliya looga danbeeyo sugida amniga dalka

$
0
0

 

NEW YORK(RBC) Qaramada midoobe ayaa ku talisay in  dowlada Soomaaliya loo madax banneeyo sugida amniga dalka Soomaaliya,isla mar ahaantaane la meelmariyo 6-da tiir ee dowladu ay  u dajisay in lagu soo celiyo  amniga dalka Soomaaliya, wakiilka siyaasada u qaabilsan xoghayaha guud ee qaramada Midoobe Jeffrey Feltman ayaa u sheegay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka in la hirgaliyo qorshaha dowlada Soomaaliya.

Jeffrey Feltman ayaa sheegay iney haboontahay in golaha amaanku uu taageeri isla markaane uu meel mariyo  6 tiir ee dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u dajisay soo celinta amniga Soomaaliya iyo dhisida maamul goboleedyada dalka oo ah xalka kaliya ee looga bixi karo khilaafaadka dalka Soomaaliya ka jiray 20-kii sano ee ina dhaafay.

Wuxuuna intaa ku daray wakiilka siyaasada Qaramada Midoobe in hawlgalka AMISOM uu guuleystay isla markaane uu gaaray heerkii looga baahnaa,balse wuxuuna hoosta ka xariiqay iney lama huraan tahay in la  maalgaliyo ciidan ay u dhamaystiran yihiin tabarkiisa iyo hubkiisu oo ay Soomaaliya yeelato si ay meesha uga baxdo ku tiirsanaanta ciidamada Shisheeye ee dalka jooga.

Jeffrey Feltman ayaa ka dalbaday golaha ammaanka in la bedelo qorshihii hore ee qaramada midoobe ay ku maamuli jirtay siyaasada Soomaaliya ee UNPOS  ee fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi,isla markaane dowlada Soomaaliya loo madax banneeyo sugida amniga dalkeeda.

Dowladihii kumeelgaarka ahaa ee dalka soo maray ayaa inta badan ka shidaal qaadan jiray xafiiska siyaasada qaramada midoobe UNPOS ee uu madaxda ka ahaa Augustina Mahiga kaasoo saamayn badan ku lahaa go’aamada ku aaddan arimaha dalka Soomaaliya,hadalkan kasoo baxay qaramada midoobe ayaa guul u ah dowlada Soomaaliya waxayna muujineysaa iney aqoonsi buuxda ka heshay gud ahaan caalamka oo qaramada midoobe ay xudun u tahay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Latest Images

Trending Articles



Latest Images