Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

SAWIRRO: Abuu Mansuur Al Amriki oo Dil Ka Badbaaday

$
0
0

Raamo Cadeey (RBC) Abuu Mansuur Al Amriki oo magaciisa hore ahaa Cumar Xamaami kana barbar dagaalami jiray kooxda Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu ka badbaaday iskuday isaga lagu dili lahaa kaasoo uu sheegay in loogu geystay shalay galab oo Khamiis ahayd tuulada Raamo Cadeey oo ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya.

Abuu Mansuur Al Amriki wuxuu sheegay in shalay galab xilli uu fadhiyey maqaayad shaaha laga cabo oo ku taallada Raamo Cadeey ay soo weerareen kooxhubetysan oo rasaas ku bilawday, waxaana jalkaasi dagaal uu ku dhexmaray maleeshiyo u badan ajaaniib caddaan ah oo Al Shabaab ka tirsan kuwaasoo taageersan Abuu Mansuur Al Amriki iyo koox kale oo taageersan Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha kooxda Al Shabaab.

Sawiro ayuu Al Amriki soo geliyey boggiisa twitterka waxaana sawiradaasi ka muuqda isaga oo qoorta ka dhaawacan. Sidoo kale wuxuu sawirada oo uu telefoonkiisa gacanta ku qaaday uu ku muujinayaa gacmihiisa oo dhiig leh.

Wararka ka imaanaya tuulada Raamo Cadeey ayaa sheegaya in maanta hawada laga saaray telefoonada deegaankiisa, waxaana tuulada ku wada sugan labada maleeshiyo ee kala taageersan Al Amriki iyo Axmed Godane.

Dad xog ogaal ah ayaa Raxanreeb u sheegay in Abuu Mansuur Al Amriki uu deegaanka tagay ka dib markii uu halkaasi u kexeeyay Mukhtaar Roobow oo ay xulufo yihiin Al Amriki.  Waxaa kaloo Al Amriki taageersan Ibraahim Aghan oo ah ninka labaad ee ugu sarreeya Al Shabaab laakiin ka soo horjeeda Axmed Godane.

Weli waxaa taagan xiisad culus oo u dhexeysa labada garab ee Al Shabaab ee kala taageersan Axmed Godane iyo Abuu Mansuur Al Amriki.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan inay jiraan koox saddexaad oo aan labada garab raacsaneyn oo ka mid ah Al Shabaab kuwaasoo isku dayaya inay xaalada dhexgalaan.

Al Amriki oo ah nin Mareykan ah asalkiisana ka soo jeeda Suuriya ayaa tan iyo sanadkii 2006 la joogay kooxda Al Shabaab, wuxuuna kala qeybgalay dagaalo farabadan oo ay la galeen ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM.

Tiro illaa saddex jeer oo hore ayuu Abuu Mansuur Al Amriki sheegay inuu ka badbaaday weeraro iskuday dil ah oo uu ku eedeeyay hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane, wuxuuna marar kala duwan Al Amriki muuqaalo video ah soo geliyey bogga youtube-ka oo uu ku sheegayo in khilaaf uu u dhexeeyo isaga iyo Axmed Godane.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles