Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo qayla dhaan u diray hay’ada gargaarka

$
0
0

Jowhar(RBC Radio) Maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa qaylo dhaan u diray hay’adaha qaramada midoobe kana dalbaday iney gargaar deg deg ah lagaaraan dadka ku tabaaleysan degmada Jowhar iyo deegaanada ku xeeran oo ay si weyn u waxyeeleeyeen Fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka sameeyey deegaanadaas.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Cali Cismaan Ibraahim ayaa sheegay iney xaalado bini aadaninimo oo aad u liita ay haystaan dadka ku dhaqan gobolka Shabeelaha dhexe oo ay saameeyeen Fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobolkaas,wuxuuna ugu baaqay hay’adaha gargaarka iney gargaar deg deg ah la gaaraan dadka ku dhibaateysan Jowhar iyo nawaaxigeeda.

“Xaalada dadkani ma taagna kormeer iyo indha-indhayn ee waxay maraysaa meel khatar ah,waxayna u baahan yihiin gargaar deg deg ah,hay’adihii kormeerka gobolka ku yimi waa iney ficil iyo waxqabad  muujinayaa,kana jawaabaan dhibaatada ka jirta gobolkan” ayuu warfidiyeenada u sheegay gudoomiye ku xigeenka gobolka shabeelaha dhexe Cali Cismaan.

Gudoomiye xigeenka Sh/dhexe  ayaa intaa ku daray in Fatahaadaha wabiga Shabeelle ay ka dhasheen Cuduro ay ka mid yihiin cudurdka Malaariyada oo fara ba’an ku haya dadka ku barakacay fatahaadda wabiga,wuxuuna tibaaxay in dadkaasi ay u baahan yihiin gargaar daawo iyo raashin  si loo badbaadiyo noloshooda.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles