Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay u abuuri lahayd wada dhaqayn dhab ah oo dhexmartay dowlada dhexe ee federaalka iyo maamulada dalka ka jira.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyey iney ahmiyad gaara siinayaan wada shaqaynta dowlada iyo maamulada ka jira Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in khilaafaadka ka dhexjira Soomaaliya iyo Soomaaliland uu yahay mid xal ka gaaridiisu ay u taallo umada Soomaaliyeed umada Soomaaliyeed iney ka wada hadlaan go’aane ka gaaraan waxa ay dantoodu ku jirto.
“Waxaan ku rajo weynahay in shirka London ay kasoo baxaan go’aano ay ku dawoobaan walaalaheena Soomaaliland, khilaaf walba oo Soomaalida dhexyaal iyaga ayaa xal ka gaari kara, caalamku wuxuu awoodaa inuu ina taageero isla markaane uu inoo fududeeyo,balse heshiiska waxa laga rabo iney gaaraan waa dadka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey in dowlada uu madaxda ka yahay ay soo dhaweyneyso cid walba dooneysa iney fikir iyo talo ku biiriso,madaxweynaha ayaa ku celceliyey in bulshada Soomaaliyeed looga fadhiyo iney soo afmeeraan khilaafka ak dhexjira,isla markaane ay wax walba ku dhameystaan wada hadal iyo is af-garad.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho