Muqdisho(RBC Radio) Abu Mansuur Al-amriiki oo ka tirsan alshabaab kana soo jeeda dalka Mareykanka ayaa sheegay in lagu soo qaaday weerar lagu doonayey in lagu khaarajiyo Cumar Xamaami oo la baxay markii uu Soomaaliya soo gaaray Abu Mansuur Al-amriki ayaa war uu soo dhigay bartiisa Internet-ka ku sheegay in koox hubeysan ay weerar kusoo qaaday.
Cumar Xamaami ayaa sheegay in weer gaadmo ah ay kusoo qaadeen koox uusan garaneen halkaasne uu kasoo gaaray dhaawac,Xamaami ayaa boggiisa Twitter-ka soo galiyey sawiro muujinaya isaga oo luquntiisa(qoortiisa) uu dhiig ka daadanayo isla markaane uu ka muuqdo dhaawaca soo gaaray.
Abu Mansuur ayaa warbixinta uusoo dhigay bartiisa Internet-ka ku sheegay inuusan garaneen cidda sida rasmiga ah uga danbeysa isku dayga la doonayey in lagu dilo,wuxuuna ka gaabsaday inuu cid gaara farta ku fiiqo.
Abu Mansuur Al-amriki oo ka tirsanaa hogaamiyaasha dibadaha ka yimi ee ka barbar dagaalama alshabaab,wuxuuna ka mid ahaa dagaal galiyaasha alshabaab walow ay bilhii u danbeeyey soo ifbaxayeen khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo hogaamiyaasha alshabaab oo uu sheegay iney khatar ku yihiin noloshiisa.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho