Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkole) ayaa sheegay in cod dheer ay ku gudbinayaan in dalaga Beeraha Puntland uu leeyahay Wax soo saar badan hadii la taageerana uu is bixinkaro kana qayb qaadan karo la dirirka faqriga iyo gaajada mar uu ka hadlayay Kulan balaaran oo lagu xusayay Maalinta Dhirta oo ay Wasaaradu asteesay taasoo ka dhacday Xarunta Cilmi baarsirka Puntland ee PDRC Garoowe.
Mudne Biriishkole wuxuu xusay in Beeraha Puntland ay waqtiyadii ugu dambeeyey ay yeesheen wax soo saar badan dadaalna ay la yimaadeen beeraleydu kadib markii wasaaradiisu ay ku qancisay in ay wax beeraan si miraha kasoo baxa ay u gurtaan wuxuuna wasiirku sheegay suuqyada Puntland Maanta l in agu gado Qudaarta laga soo guro Beeraha ku yaala Deegaanada Puntland taasoo uu ku tilmaamay Hor mar la gaaray, wuxuu kaloo xusay wasiirku in Qudaarta ka timaada Koonfurta Wadanka ay tahay mid xadidan hase ahaatee inta Badan Qudaarta iyo cunooyinka kale ee baxaba laga helo Puntland sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku booriyay beeraleyda in ay Dhulkooda beertaan kuna qanacsanaadaan wax soo saarkooda.
“ Waxaan aad u amanayaa beeraleyda Puntland ku dhaqan waa dad aad u sabir badan una dadaal badan laakiin taageero dhan walba ah ayeey u baahan yihiin sida dhabta ah, Waxaan doonaynaa in aan tababar badan u qabano Beeeraleyda waayo dhibaatoyin badan ayeey u nugul yihiin, waxaad lasocotaan dhawaan in Beeraley ku dhaqan Gobolka bari ay ka xaalufisay Dawo ay ku shubeen beertooda taasoo aan ku tilmaami karo aqoon daro,hala joojiyo ayaan leeyahay Sunta Beeraha loo is ticmaalo ma ahan mid dan noogu jirta, waxaan habeen iyo maalinba usoo jeednaa sidaan Beeraheena ku hormarsan lahayn waad la socotaan wasaaradu kaligeed wax ma qaban karto hadaan la taageerin waxaa nagu balan ah in aan horay usii laba jibaarno wax qabadkeena idinkana waxaan idinka dalbaneynaa wada shaqayn iyo hawlkarnimo si aan isgu filnaano dhanka beeraha, sidaana waxaa yiri Wasiirka Beeraha Puntland (Biriishkole).
Xaflada oo ahayd mid loo idilyahay marka la eego dadka lagu casumay ayaa Masuuliyiintii ka hadashay waxay xuseen in ay maqsuud ka yihiin Dadaalka Wasaarada Beeraha Puntland ugu Jirto Dhiirigelinta, Taageerida, tababarida, iyo turxaanbixinta Beeraleyda Puntland si loogu guuleysto ka dhaadhicinta Caalamka in Deegaanada PUntland uu ku haboon yahay wax beerida inkastoo Caalamka aysan taasi qorsha ugu jirin kana warqabin.
Ibraahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.