Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dib u dayactir lagu samaynayo Suuqa Ceel-garweyne ee degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir kulan ay maanta degmadaas ku yeesheen maamulka gobolka Banaadir iyo maamulka degmada ayaa waxaa looga dhawaaqay in suuqaas dib u dhis lagu samaynayo.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadi ahna duqa Muqdisho Maxamauud Axmed Nuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in dib loo hawlgalinayo Suuqa Ceel-garweyne ee degmada Hawl-wadaag,wuxuuna sheegay in mashruuca dib u hirgalinta suuqaas ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad dalka Ingiriiska.
Tarsan ayaa sheegay in suuqa uu yeelan doono dhammaan adeegyada dadweynaha,wuxuuna ballan qaaday in suuqaas la galin doono Layrarka ku shaqeeya cadcdeeda Qorraxda kuwaas oo dhawaan laga hirgaliyey qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho,wuxuuna ku celceliyey gudoomiye Tarsan in shacabku ay ku baraarugaan nadaafada deegaankooda.
Tarsan ayaa intaa ku daray in Suuqu uu ka koobnaan doono 309 dukaan iyo Ceel biyood,wuxuuna ballan qaaday in si cadaalad ah oo eex la’aan ah loo qaybin doono dukaamada Suuqaas.
Gudoomiyaha degmada Hawl-wadaag Maxamed Cali Abukar Jacfar ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin dib u hawlgalinta suuqa,wuxuuna ka warbixiyey qaybaha uu suuqa ka kooban yahay,Jacfar ayaa sheegay in Suuqa Ceel-garweyne uu ka koobnaa qayb Kawaan hilibka ah,Qayb lagu iibiyo Qudaarta iyo dukaamo ganacsi.
Gudoomiyaha degmada Hawl-wadaag ayaa ku ammaanay maamulka gobolka Banaadir sida ay uga jawaabeen codsigii ay horu ugu gudbiyeen oo ahaa in loo dayactiro Suuqaas si ay ugu ganacsadaan dadka degmada.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho