Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland ayaa ku amaantay Ciidamada Badda Puntland ee PMPF hawlgalka ay kusoo qabteen Kalluumeystada u dhalatay dalka Iiraan iyo Doonyahoodii kuwaas oo si sharci- daro uga Kalluumeysanayey Xeebaha Qaw iyo Ceelaayo.
Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland Muuse Geele Yuusuf”"Farole” oo Saxaafadda kula hadlaayey Saldhiga Ciidanka Badda ee Boosaaso ayaa mahadcelin iyo amaan u Jeediyey Ciidanka,kuwaas oo gacanta kusoo dhigay Muwaadiniin u dhalatay Iiraan,5-doonyood iyo 12-Soomaali ah kuwaas oo iyaguna ilaalo u ahaa Kalluumeystada.
Waxa uu sheegay Wasiir Kuxigeenku in Cabashooyin laga soo gudbiyey Kalluumeysatada sida sharci-darada ah Kalluunka uga gurta Xeebaha Puntland kuwaas oo isugu jira Iiraaniyiin,Yemeniyiin iyo Pakistaaniyiin ka qaata Kheyraad farabadan Puntland.
..”“”Waxaan u hambalyeynayaa una mahadcelinayaa Ciidanka Badda PMPF oo shalayto ku guuleystay in ay qaadaan Operation(Hawlgal),kuna qaadaan Doonyaha sida sharci-darada ah kusoo galay Badda ama Biyaha Puntland kuwaas oo in muddo ahba Cabashooyin badan ka Jireen oo tiro aad u badan oo isugu jira Iiraaniyiin,Yemeniyiin iyo Pakistaaniyiin ay maalin walba kusoo qulqulayaan Biyaha Puntland kana qaaataan Kheyraad farabdan….”"ayuu yiri.
Awood buu leeyahay Ciidanku!!
Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayuu sheegay Mudane Muuse Geele Yuusuf in uu aaminsanyahay in Ciidanku leeyhay awood aad u sareysa oo wax badan kaga qaban karo sida sharci-darada ah ee Xeebaha Puntland looga Kalluumeysanayo.
Halkaan ka Dhageyso Codka Muuse Geele Yuusuf Guji Halkan
…”"Runtii aaminsanahay in Ciidanka Badda Puntland uu leeyahay awood aad u sareysa oo wax kaga qaban karo Xeebaha Puntland oo sida sharci-darada ah looga Kalluumeysanayo….”"ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysigu.
Wuxuu intaas ku daray in dadka kusoo Xadgubay Biyaha Puntland sida ugu dhakhsaha badan looga Sifeynaayo isla markaana uusan Joogsaneyn hawlgalada ay wadaan Ciidamada Booliska Badda Puntland ee PMPF.
Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland Muuse Geele Yuusuf”"Farole” ayaa xusay in Dawladda Puntland dardargelinayso hawlagal kasta oo lagu dabar-goynaayo kuwa Xaalufka kuwada Biyaha Puntland isla markaana ay Maxkamad soo taagi doonto.
..”"Dawladu aad iyo aad bey u aaminsantahay usoo dhaweyneysaa ugu dadaaleysaa sidii hawshaasi ay u fuli lahayd oo Xeebaha Puntland looga safeyn lahaa guud ahaan dadka sida sharci- darada ah usoo galaya….”"”ayuu yiri.
Si kastaba Hadalka Wasiir Kuxigeenka Kalluumeysiga Dawladda Puntland ayaa kusoo beegmaya xili maanta Ciidamadda Badda Puntland soo bandhigeen 78-qof oo Iiraan u dhalatay iyo 5-doonyood oo si sharci-daro ah ugu Kalluumeysanayeen Biyaha Puntland.
______________________________
Cismaan Turaabi