Garoowe (RBC RADio) Madaxweynaha Puntland iyo Xubno ka tirsan 2da gole ayaa Maanta ka qayb galay Daahfurka Talaalka Cusub oo uu ka mid yahay Cagaarshowga waxaana Talaalka leysugu soo aruurshay 5 Talaal iyadoo mid ka mid ah Shantaasi uu isgu jiro ilaa Sadac Talaal taasoo ka dhigeysa in Caruurta Puntland lasiiyo in ku dhow 8Talaal Xafladan oo ka dhacday xarunta Wasaarada ee Garoowe ayna kasoo qayb galeen madax kala duwan Waxaa lagu soo bandhigay Dadaalka in mudo ahba loogu jiray in Talaalo cusub lasoo kordhiyo si Caruurta Soomaliyeed looga badbaadiyo Xanuunada ay la liitaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka Puntland C/risaaq Xirsi Xasan oo Madasha ka hadlay wuxuu sheegay in waqti dheer iyo dadaal aan laga daalin wasaaradu u gashay in ay tiro iyo Tayoba kusoo kordhiso Talaalka Caruurta sidaa darteedna Maanta loofadhiyo gurashada Mirihii mudo la abuurayay, Agaasimuhu wuxuu sheegay in Wasaaradu ay u hirgaleen waxyaabo badan qorshaha 5ta sano ee soo socota ay ka mid tahay, ka hortaga Dawooyinka dhacay, sugida istiraatiijiyada Caafimaadka Dalka, u gargaarida Dadka reermiyiga ah, Ilaalinta Fayadhawrka, iyo qodobo kale Wuxuuna sheegay Agaasimuhu In Shaqaalaha iyo masuuliyiinta Wasaarada oo isku duuban ay si wadajir ah ugu mahadnaqayaan Hay;adaha ka qayb qaatay Hirgelinta Barnaamijkan.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka PUntland Dr Cali C/laahi Warsame oo kulanka ka hadlay wuxuu Bushada ka codsaday in sida loogu talagalay ay Talaalkan uga faa’iideystaan oo aysan shaki ka qaadin, wasiirku wuxuu xusay in Cudurka Cagaarshowga oo kale ay dad badan ku dhibanyihiin oo ay la liitaan sidaa darteedna hada Caruurta Jirta Yaraanta looga cirib tiri doono si aysan weynaantooda ugu dhibtoon, mudane Cali wuxuu sheegay in Wasaarada Caafimaadka wax qabadkeeda muuqda yuu yahay oo qura Talaabo kaliya oo horay loo qaaday laakiin wax badan ay harsanyihiin, dadkana looga baahanyahay in ay dhankooda qaaraan dhinac ka dhinac ah ku taageeraan Wasaarada si caafimaadka guul looga Gaaro.
Madaxweynaha Puntland oo Daahfuray Barnaamijkan wuxuu sheegay in Goboladan waagii nabada ay aad uga liiteen arimaha Caafimaadka oo Qofkii Malaria ay qabato Dhiigiisa laga soo baari jiray Muqdisho oo qofkaas intii uu jidka kusii jiro uu sii dhiman jiray iyadoo la awoodi karay in Deegaanka loo yeelo Goobo Caafimaad Dhibaatooyinkaasi waxay soo jiraanba hada dalka oo idil dhanka Caafimaadka Puntland ayaa lagaga dayanayaa taana waa mahad alle ayuu yiri Mudane Faroole.
Dr Faroole Wuxuu si gaar ah ugu Mahadcelshay Hay’adaha UNICEF, GIVA,WHO oo barnaamijkan kaalin ka qaatay wuxuuna sheegay in Barnaamijkani oo wada jir looga faa’iideystaa ay tahay Fursad qaali ah oo Ubadka iyo hooyooyinka dhaqmaadka ah usoo hoyatay, Madaxweynuhu wuxuu dad hawlkar ah ku tilmaamay Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Dowlada wuxuuna sheegay meesha ugu horeysa ee uu taageero in ay tahay Wasaarada Caafimaadka maadaama ay ka shaqeyso Hawlo daruuri u ah dalka iyo dadka.
Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa ugu dambayn siiyay min 2 dhibcood oo Talaal ah Wiil iyo gabar aad u yar yar waxaana si toos ah loo daahfuray Barnaamijkan oo Guud ahaan ka bilaaban doona isla maanta Magaalooyinka Puntland hoos yimaada iyadoo mudo 7aad ah uu Barnaamijkani socon doono sida ay Madaxda Wasaraadu goobta ka xuseen.
Ibraahim Wadani.
RBC RADIO.
Xafiiska Wararka Garoowe.