Boosaaso[RBC Radio] Ciidamadda Booliska Badda Puntland ayaa maanta soo bandhigay rag iyo Doonyo Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan kuwaas oo lagu eedeeyey in si sharci-daro ah uga Kalluumeysanayeen deegaanka Qaw ilaa Ceelaayo.
Hawlgalaan oo dhacay shalay 2:30 duhurnimo isla markaana lagu soo gabagabeeyey 5:30 galabnimo ayey Ciidamada Badda kusoo qabteen 5-Doonyood ,78-qof oo Iiraan u dhalatay iyo 12-qof oo Soomaali ah,kuwaas oo ilaalo u ahaa Kalluumeystada Iiraan.
Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Xafiiskiisa Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in Ciidamadu gacanta kusoo dhigeen 5-doonyood,78-qof oo Iiraan u dhalatay iyo 12-Soomaali ah,wuxuuna intaas ku daray in hawlgalkaas lagu guuleystay.
Wuxuu sheegay Taliyuhu in dadka deegaanka Qaw ee gobolka Bari ay Ciidamada Badda Puntland kusoo Wargeliyeen Doonyaha 5-ta ah ee Iiraan laga leeyahay oo si sharci-daro ah uga Kalluumeysnaya Xeebaha Qaw iyo ilaa Ceelaayo.
…”"” Waxaan ku guuleysanay shalay hawlgalkaas oo bilowday 2:30-duhurnimo 5-doonyood,Shaqaale dhan 78-Iiraaniyiin ah iyo 12-Soomaali ah oo ka Kalluumeysanayey inta u dhaxeysa Qaw ilaa Ceelaayo,doonyahaas oo laga leeyahaywadanka Iiraan kagana Kalluumeysanay halkaas si Sharci-daro ah…”"”ayuu yiri.
Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Cabdirisaaq ayaa xusay in hawlgalkaas mudadii ay wadeen wax khasaare ah uusan ka dhalan balse ay Jireen Xabado kooban oo Ciidanka ay kusoo fureen Ilaalada Doonyaha oo Soomaali ah.
Halkan Ka Dhageyso Codka Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax Guji Halkaan
Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in gacanta kaga dhigeen Kooxda Ilaalada ka ahayd Doonyaha iyo Kalluumeysatada Iiraan u dhalatay 10-qori oo AK-47 ah iyo 2-G3 ah,wuxuuna intaas ku daray in Doonyaha la qabtay weli ka buuxaan Kalluunkii ay gurteen.
…”"”Doonyahaasi,waxay wadaan Kalluunkii ay Badda Ka Kalluumeysanayeen nasiib wanaag waxay ahaayeen kuwa markaas soo galay hadda ka horna Kalluun qaaday haddana soo laabtay,waxna gacanta ku hayey, Doonta ugu yar waxay waday 100-Kiilo,tan ugu badana 10-tan bey waday…..”"”ayuu yiri.
Si kastaba Tallaabadan ay qaadeen Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa si weyn,waxaa usoo dhaweeyey Kalluumeysatada Puntland kuwaas oo dhibaato ku qabay Kalluumeysiga sharci- darada ah ee ay wadeen muddooyinkaan danbe Doonyo laga leeyaha dalka Iiraan.waxaana qorshuhu yahay in Maxkamad la hor keeni doono dhamaantood.
_________________________________
Cismaan Turaabi